Xiisad wiiqi karta gulufka kooxda Al-Shabaab oo laga digay
MUQDISHO, Soomaaliya - Weerarada ciidamada Soomaaliya oo ay wehliyaan dadka deegaanka iyo xulafadooda shisheeye ayaa sababay in ay dib ula wareegeen dhul ay muddo sanado ah Al-Shabaab gacanta ku hayeen.
Inkasta oo ciidamada Soomaaliya ay guulo ka gaareen kooxdaasi, haddana dadka wax falanqeeya ayaa waxay ka digayaan in isqabqabsiga siyaasadeed uu wiiqi karo horumarada illaa haatan muuqanaya.
Dowladda Puntland ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay todobaadkii hore waxay ku sheegtay in ay hakisay wadashaqeyntii kala dhaxeysay mas'uuliyiinta Federaalka Soomaaliya.
War saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in ay "si madax-banaan isku maamuli doonto inta laga dhameystiro dastuurka qabyadda ah ee Soomaaliya".
Caqabad "aan loo baahneyn"
Maxamed Ibraahim Rashiid waa aasaasaha Linking Governance, oo ah xarun bixisa talooyin ku saabsan siyaasadda iyo istiraatiijiyadda taasoo fadhigeedu yahay magaala madaxda Muqdisho.
Rashiid ayaa wareysi uu siiyey VOA-da waxa uu ku carabaabay in dhawaqa kasoo yeeray Puntland ay meesha ka saari karto qaar ka mid ah guulaha amni ee laga gaaray maleeshiyada.
"Khilaafka cusub waxa uu caqabad ku noqon karaa dadaaladda amni ee socda. Is-mari-waa kasta oo dhexmara dowladda federaalka iyo maamulad goboleed kasta waa caqabad aan loo baahneyn," ayuu ka shan-qariyey.
Madaxweynaha muddo xileedkiisa ay sanadka uga harsan tahay ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo madaxweynaha federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isku-saf kuwada jira doorashadii soo dhamaatay May, 15, 2022.
Kasbashada taageerada dadweynaha
Samiira Gaid oo ka faaloota siyaasadda iyo amniga, fadhigeeduna yahay Muqdisho, ayaa u sheegtay VOA-da in dowladda looga baahan yahay inay kasbato taageerada shacabka si ay ula dirirto Al-Shabaab
“Aad ayay muhiim u tahay in howlgallada ay taageeraan shacabka, waxaana u maleynayaa in dowladdu ay xaqiijineyso in tani ay sii socoto iyadoo dadka ay ka qeyb qaadanayaan," ayay tibaaxdey Gaid.
Gaid ayaa XUSTEY in weeraradii ka dhanka ahaa Al-shabaab uu gaabis ku yimid dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay sababo ku aadan dhaqaale la'aan, dowladduna ay aruurineyso taageero dheeraad ah.
Dowladda federaalka ayaa Khamiistii waxay magaala madaxda Muqdisho ku qabatay kulan ballaaran oo ay ka qeybgaleen boqolaal shacab ah kaasoo loogu magacdaray "Daahfurka Kacdoonka" dadka magaala madaxda.
GAROWE ONLINE