Baasaboorka Soomaaliya oo mar kale kaalin hoose kasoo muuqdey

Image
Qiimeyntan cusub waxaa sameysay shirkadda Arton Capital ee laga leeyahay magaalada Montreal ee Canada.

ABU DHABI, United Arab Emirates - Baasaboorka Soomaaliya ayaa kaalinta 94aad ka galay qiimeyn cusub oo caalami ah waxaana kaalintaas la wadaaga dalka Pakistan oo dhaca koonfurta qaaradda Aasiya.

Sida ku cad liiska ay soo saartay shirkadda Arton Capital ee laga leeyahay magaalada Montreal ee Canada, Baasaboorka Pakistan waxa kaliya lagu tagi karaa 44 waddan dal-ku-gal la'aan.

Ciraaq, Suuriya iyo Afghanistan ayaa sidda ay kala horeeyaan waxay uga soo muuqdaan kaalmaha kala ah 95aad, 96aad iyo 97aad taasoo ka dhigan in ay ku jiraan dalalka uu ugu liito baasaboorkooda.

Marka la barbardhigo, baasaboorrada Yemen (93aad), Bangladesh (92aad), Waqooyiga Kuuriya, Liibiya iyo Falastiin (91aad) iyo Iran (90aad) ayaa u muuqda inay ka awood badan yihiin dhamaan dalalkan kale.

Si kastaba ha ahaatee, Baasaboorka Imaaraadka ayaa lagu sheegay inuu yahay kan ugu awoodda badan caalamka. Muwaadiniinta UAE waxay u safri karaan 180 wadan bilaa fiis.

Muwaadiniinta dalalka kale, oo ay ku jiraan Netherlands, Austria, Germany, Switzerland, iyo dalal kale uma baahna fiisaha si ay u booqdaan 173 waddan.

Sidoo kale, dadka ku nool Mareykanka, Poland, Ireland, Denmark, Belgium, New Zealand, Portugal iyo Norway waxay u safri karaan 172 wadan bilaa fiis.

Xayiraadaha dhinaca safarka ee waqti xaadirkan jira aawadeed, Ruushka kama soo muuqan ilaa kaalmaha 35-aad ee liiska. Moscow waxaa si weyn loogu cunaqatabeeyay duulaanka ay ku qaadey qaranka Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ka Waran Adigoo Ka Cararaya Gaabnaanta Haddaad Lugahaaga Jajabiso Si Aad Dherer U Hesho?

Khabiir lafaha ku takhasusay oo ka tirsan NHS ayaa sheegay in qalliinkan aanu…

  • Warbixino

    25-05-2026

  • 05:53AM

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM