Dadka gaabnida ciishay oo loo helay qaliin lagu dheereeyo

Image

WASHINGTON - Nin 41 jir ah oo ku nool dalka Maraykanka ayaa lagu sameeyay qaliin xanuun badan sii ugu kordho shan inji (12.7 sentimitir) ka dib markii uu dareemay kalsooni darro dhererkiisa.

Moses Gibson, oo asalkiisu ahaa 5 cagood 5 inch, ayaa ku dhibtooday sidii uu u heli lahaa gabadh ay saaxiibo yihiin, dhererkiisa awgeed, sida uu sheegay wargeyska New York Post.

"Kaliya ma dareemin qanacaad nafteyda. Kuma faraxsanayn arrintaas gaabnida inta badan,'' ayuu hadalkiisa raaciyay.

"Waxay Gaabnida saamaysay noloshaydii shukaansiga. Waxaan kabaha dhaadheer u xiran jiray si aan kor isagu qaado, laakiin ma ahayn mid aad wax uga bedeshay kalsoonidayda, "ayuu yiri Moses.

Ka dib markii uu ka quustay dawooyinka iyo waxyaabihii kale, oo ku guuldareystey, wuxuu bilaabay inuu raadiyo qaliinka dheereynta lugta.

Gibson wuxuu aruursaday $75,000 isaga oo ah injineer software maalintii iyo darawalka gaariga Uber habeenkii.

Waxa uu maray qaliinkii ugu horeeyay sanadkii 2016, halkaas oo uu ka helay 3 inch, isaga oo ka dhigay 5 cagood iyo 8 inch.

Bishii Maarso 2023, wuxuu soo aruuriyay $98,000 wuxuuna ku bixiyay qaliin kale oo dheeri ah. Wuxuu rajeynayaa inuu ku daro laba inch oo kale dhererkiisa.

Inta lagu jiro hawshan, dhakhaatiirtu waxay jebiyeen lafaha labada lugood.

Gibson waa inuu isticmaalo qalabka dhererka saddex jeer maalintii si uu u kala jiido lafta. Si sax ah hadii u isticmaalo, wuxuu noqon doonaa 5 cagood iyo 10 inji, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.

Dhibaatooyinka qaarkood ee laga dhaxli karo qaliinkan waxaa ka mid ah samaynta lafaha oo liita, jabka, caabuqa, dhererka lafaha oo hoos u dhac ku yimaada, iyo xinjiro dhiig ah oo fariista xididada lugaha.

Gibson ayaa laga soo xigtay isagoo leh: "Waxaan kula talin lahaa qof kasta oo raba inuu is dheereeyo - xaqiiqdii waa u qalantaa,". "Runtii waxaan rabaa inaan faafiyo ereygan, iyo haddii ay ka caawin karto dadka kale inay soo maraan qaliinkan, waan ku faraxsanahay aniga."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM