Dowladda Soomaaliya: Daacish uma halis badna sidda Al-Shabaab
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay khaarijinta Bilaal Al-Sudani oo ahaa horjooge sarre oo ka tirsanaa kooxda Daacish ee ay ciidamada howlgallada gaarka ah ee Mareykanka ku dileen deegaan fog oo ka tirsan waqooyiga Soomaaliya habeenimadii Arbacada.
"Waa arrin aad u wanaagsan oo soo dhaweyn mudan," ayuu Xuseen Sheekh Cali, oo ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, u sheegay VOA-da Khamiistii.
Cali oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa VOA u sheegay in ISIL aysan ahayn khatarta ugu weyn ee Soomaaliya, si la mid ah Al-Shabaab, balse Al-Sudani uu yahay "argagixiso khatar ah" oo khatar ku ah Soomaaliya iyo Bariga Afrika.
Al-Sudani oo ahaa mas’uul muhiim u ah dhaqaalaha Daacish ayaa lagu duqeeyay buuraleyda Cal Miskaad ee gobolka Bari ee maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale waxay sheegtay in 10 kale oo ka tirsan ISIL lagu dilay howlgalka. "Ma jiro dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay howlgalka," sidda ay sheegeen saraakiisha Pentagon-ka.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay damacsanaayeen in ay qabtaan Al-Sudani iyo xubno kale, balse isku daygaasi uu fashilmay.
Khubarada dhanka amaanka ayaa rumeysan in geerida Al-Suudaani a ay dhabar jab weyn ku tahay IS iyo kooxaha kale ee argagaxisada ah ee ka howlgala Soomaaliya.
Latliyaha waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Mareykanka uu ka dhaxeeyo iskaashi adag oo ka dhan ah Al-Shabaab. “Taageerada militariga Mareykanka ee Soomaaliya waa mid aad waxtar u leh, waana sida ugu wanaagsan," ayuu yiri.
"Waxaan qaadnay weerar, waxaana guulo waaweyn ka gaarnay lixdii bilood ee la soo dhaafay, xilligaasoo aan Al-shabaab ka xoreynay tobannaan magaalo iyo tuulooyin," ayuu yiri Cali. "Waxaan halkan u joogaa Washington, D.C., si aan ula kulmo hoggaanka sare, waana guul ilaa hadda la gaaray," ayuu raaciyey Cali.
GAROWE ONLINE