IMF oo Soomaaliya u fasaxdey $9.4 milyan kaalmo degdeg ah
NEW YORK, United States - Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka ee loo yaqaano IMF ayaa ammaanay “horumarka xoogan ee laga sameysay dib-u-habaynta maaliyadeed ee Soomaaliya".
Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeed, IMF ayaa fasaxdey gargaar degdeg ah oo ku dhow $9.4 milyan si loogu taageero hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo in dib-u-habayn lagu sameeyo.
Talaabadan ayaa waxaa la sheegay in ay daba socoto dhamaystirka dib-u-eegistii ugu dambaysay ee mid kamid ah barnaamijyada IMF ee loo yaqaan xarunta amaahda la dheereeyey.
Deeqdan cusub ayaa waxay ka dhigan tahay in wadarta kaalmada maaliyadeed ee Soomaaliya ay heshay inta lagu guda jiro geedi-socodka deyn cafinta deynta ay gaareyso aduun dhan $386 milyan.
"Iyadoo ay jirto caqabado waaweyn oo cimilo, amni, iyo siyaasadeed, mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa weli ka go'an dib u habeynta dhaqaalaha iyo geeddi-socodka dalalka deymaha leh ee deymaha badan leh (HIPC)," ayaa lagu yiri bayaanka IMF.
IMF ayaa waxay hoosta ka xariiqdey in saadaasha kobaca wax soo saarka Soomaaliya ee 2023 ay hoos u dhacday ¼ boqolkiiba ay noqotey 2.8 boqolkiiba sababo ku aadan abaaro iyo xawaaladaha oo hoos u dhacay.
"Celceliska sicir bararka ayaa la filayaa inuu hoos u dhaco 4.2 boqolkiiba sanadka 2023 marka qiimaha badeecadaha uu hoos u dhaco," ayaa lasii raaciyey qoraalkan uu nuqul kamid ah arkay GO.
Deynta Soomaaliya lagu leeyahay ayaa ka badan 5 bilyan oo doolar-ka Mareykanka. Sidda ku xusan diiwaanka, Mareykanka kaliya ayaa ku leh Muqdisho aduun lacageed gaaraya hal bilyan oo doolar.
Ruushka iyo Talyaaniga ayaa waxay soo galayaan kaalmaha labaad iyo saddexaad, sidda ay u kala horeeyaan magacyadooda. Dalal kale oo isugu jira Carab iyo reer galbeed ayaa sidoo kale qeyb ka ah liiska.
Xasarado siyaasadeed oo soo if-baxay bilooyinkii lasoo dhaafay ayaa khatar ku ah guulaha illaa haatan laga gaarey deyn-cafinta waxaana khuburada ku baaqayaan in si degdeg ah loo dhameeyo khilaafyaddan.
GAROWE ONLINE