Kenya oo sheegtey in ay fashilisay weerar Al-Shabaab maleegtey

Image
Howlgalkan ayaa waxa uu ka dhacay xuduudka bari ee Soomaaliya iyo Kenya.

NAIROBI, Kenya - Kenya ayaa sheegtey in ay fashilisay weerar argagixiso oo laga soo wariyay xuduudka bari ee ay Soomaaliya la wadaagto, sida ay booliisku sheegeen Talaadadii.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay lix qori oo AK47 ah, labo Baasuuke ah, labo bam gacmeed iyo alaabo kale intii lagu guda jiray howlgal Isniintii laga sameeyay ismaamulka Garissa, sida uu sheegay afhayeenka booliska Resila Onyango.

Booliska ayaa weerar ku qaaday xero ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxda argagixisadu ay xubno u direen Kenya bishii la soo dhaafay si ay weeraro uga geystaan.

"Guushu waxay ku soo beegantay xilli aan wajaheyno khataro kaga imaanaya argagixisada, howlgalku waa uu socdaa,” ayuu yiri Onyango.

Ururka Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya ayaa weerarro ku qaaday goobo ka tirsan gobolka, gaar ahaan magaalooyinka Mandheera, Wajeer iyo Gaarisa ee gobolka Bari ee Kenya.

Weerarada ayaa yimid kadib markii ay Nairobi ku biirtay howlgalka AMISOM, taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo rayid ah iyo saraakiisha ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM