Madaxtooyadda Soomaaliya iyo idaacadda VOA oo gorada is-daray

Image
Garowe Online ayaa fahansan in "isku-dhacan" uu ka dhashay maqaal ay daabacdey warbaahinta ku hadasha afka Mareykanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waaxda warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya ayaa email rasmi ah u qortay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Mareykanka ee VOA-da, sidda ay xaqiijiyeen dhowr illo wareedyo.

Villa Soomaaliya ayaa ka carootay warbixin lagu daabacay qeybta English-ka idaacadda. Maqaalka oo la faafiyey 21-dii December, 2022 ayaa sheegaya in qof ka tirsan xafiiska warfaafinta madaxtooyada uu wacay idaacadaha madaxa bannaan ee Muqdisho, kuna wargaliyay in ay usoo diraan wararka ka hor inta aysan baahin.

Tafaasiisha ayaa intaas ku daraysa in qofka wacay idaacadaha uu kaliya ka dalbaday in ay usoo diraan ciwaanada wararka ay tabiyaan, si qeybta war-qabadka Villa Soomaaliya ugu sahlanaato in madaxweynaha si joogto ah uga war hayo waxa dalka ka dhacaya, dalabkaas oo madaxdii saxaafadda madaxa bannaan ee lala hadlay ay ogolaadeen.

Balse arrinta la yaabka leh ayaa ah in email-ka uu agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdiqaadir Cali Dige u direy VOA-da ku dafiray in uu ruuxa wacay idaacadaha uu kamid yahay shaqaalaha madaxtooyada.

Waa kuma shaqsiga wacay idaacadaha?

Magaciisu waa Cabdiqaadir Husseein Weheliye. Waxa uu kamid yahay howlwadeenadda xafiiska warfaafinta madaxtooyada, gaar ahaan qeybta qaabilsan dabagalka saxaafadda.

Xilka agaasimaha warfaafinta madaxtooyada mar soo maray gaar ahaan waqtigii madaxwayne Shariif Sheekh Axmed. Lama ogga sababta Mr Dige ku kaliftey in uu inkiro Wehliye.

"Waxaan xog ku helay in Wehliye la xiray kadib markii uu wacay saxaafadda lagana yaabo in shaqada laga eryo isaga iyo xubno kale oo la tuhunsan yahay in ay isla ogaayeen wicitaanka," ayay xuseen illo wareedyadda.

Shaqsiyaadka kale ee magacyadooda ay soo hadal-qaadeen illo wareedyadda waxaa kamid ah afhayeenka madaxtooyada Cabdixakiim Cali Kaar, oo isagu dhowaanahan aanan lagu arag saaxadda warfidiyeenadda.

Faaf-reebka dowlada kusoo rogtay saxaafada

Madaxtooyada iyo guud ahaanba dowladda waxaa ay dadaal ugu jiraan sidii ay isugu dayi lahaayeen in ay xakameeyaan ama ay faafreebaan saxaafadda madaxa bannaan iyo xog isdhaafsiga guud ee dadweynaha.

Waxa tusaale ah mar dhowaan uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud safar ku tagay Mareykanka oo ay ku noolyihiin jaaliyad xooggan oo Soomaalida ah, halkaasna uu khudbado ka jeedinayay.

Mr Dige ayaa lagu waramay in uu saxaafaddii Soomaalida ee fadhigoodu yahay Ameerika uu ka codsadey in ay muuqaalada ay isaga soo mariyaan ka hor inta aysan faafin.

Kahor inta aan dib loo dooran 15-kii May, 2022, madaxwayne Xasan ayaa aad u dhaliilayey hab-dhaqanka maamulkii ka horeeyay ee ku wajahan la macaamilka saxaafadda kaasoo ku saleysanaa caburin, laaluushid iyo xarig.

Codsi raaligelin iyo maqaal kale oo beenin ah

Macluumaadka dheeriga ah ee laga helayo kiiskan ayaa muujinaya in warqada ay Villa Soomaaliya u qortey VOA-da ay ku codsatay raaligelin rasmi ah ka bixiso "gafafka ku jiray" maqaalkii hore

Idaacadda VOA ayaa email-ka kadib waxay qortay maqaal kale oo ay ku sheegeyso in madaxtooyada beenisey in ay faaf-reeb ku samaynayso saxaafadda, balse taasi ma noqon mid ku filan villada.

Lama ogga in Madaxtooyadda Soomaaliya in ay kiiskaan halkaas uga hari doonto iyo in ay gaarsiin doonto illaa heer dowladeed maadaama VOA-da ay toos u hoostagto Wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka.

VOA-da ayaa kamid ah warifiyeenadda caalamiga ah ee aadka ugu faalooda arrimaha Soomaaliya. Laanteeda afka Soomaaliga ayaa laga tabiyaa barnaamij maalinle ah oo lagu qaadaadhigo arrimaha dalka ka taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM