Maraykanka oo soo riday "waxyaabo duulaya oo aanan la garanayn "

Image
Walxahan oo aanan la xusin nooca ay yihiin ayaa lagu soo ridey amar uu bixiyay madaxweyne Joe Biden.

WASHINGTON, United States - Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa la sheegay in ay soo rideen dhawr walxood oo duulayay hawada dalkaasi, kuwaas oo laga shakiyay waxa ay yihiin iyo ujeedka laga leeyayay.

Walxahan oo aanan la xusin nooca ay yihiin ayaa lagu soo ridey amar uu bixiyay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah.

Talaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyada oo todobaadyadan uu taagnaa buuq ku saabsan buufin ‘Shiinaha laga leeyahay’ oo si sharci daro ah ku dulmaray hawada Maraykanka.

Taliska cirka Maraykanka ayaa, sidda ay ku warantey warbaahinta Ameerikaanka, waxa uu wacad ku maray in ay soo ridayaan wax allaale wixii raadaarku sheego oo aanan la ogeyn waxa ay yihiin.

Sidda ku xusan warbixinta saxaafadda, waxaa iska caadi ah in hawada oo dhan la xiro si looga taxadaro halis ka timaada waxyaabo duula oo aanan la aqoonin.

Barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz ayaa tibaaxay guutada 148-aad ee ciidamada cirka ee gobolkaasi fadhiga u yahay ay soo rideen wax hawada ku jirey oo aanan la aqoonin.

Ciidamada Maraykanka iyo Canada ayaa ku jira heegan heerkiisa sareeyo, iyaga oo ka wada shaqaynaya waxyaabo loo malaynayo in ay hordhac u yihiin weerar gaadiidka cirka loo adeegsado oo ku wajahan labadan nin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM