Bishii October, 2021, qaar kamid ah ciidamadda Danab ayaa lagu amray in ay qeyb ka noqdaan howlgal dowladda ku qaadey ciidamadda Ahlu Sunna Waljameeca halkaasoo ay ku dhinteen laba askar kumaandoos ah.

"Hase ahaatee, inta badan ciidamadda Danab ayaa go'aankaas ka hor-yimid amarkaas siyaasadeysanaa waxaana taas badalkeeda ay qaadeen howlgalo ka dhan ah ururka Al-Shabaab," ayuu yiri Beeryare.

Talaabadaas ayaa sababtay in dowladda Mareykanka ay joojiso taageerida ciidamaddan muddo afar bilood ah. Go'aankaas waxaa ka dhashay hakad ku yimid dhismaha isbitaal iyo goobo tababar oo laga hirgelin lahaa Balidoogle.