Saxafi dacwadiisa dib loo dhigay in ka badan 100 jeer oo la xukumay

Image

NAIROBI, Kenya - Kadib markii uu xirnaa in ka badan lix sano, maxkamadeyntiisana ay dib u dhacdey in ka badan 100 jeer, madaxii hore ee warbaahinta dadweynaha ee Cameroon ayaa lagu xukumay 12 sano oo xarig ah.

Amadou Vamoulké ayaa maxkamad ku taal magaalada caasimadda ah ee Yaoundé ku heshay dambi ah inuu lacago lunsaday iyo inuu shaqaalaha mushaarka u siiyay ogolaansho la’aan.

73-jirkan ayaa diiday inuu wax khalad ah sameeyay. Maxkamadeyntiisa waxaa si weyn u dhaleeceeyay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Vamoulké ayaa lagu xiray Operation Sparrowhawk, kaasoo dadka dhaliila ay sheegeen in dowladda Madaxweyne Paul Biya ay u adeegsato inay xirto dadka loo arko inay ka aragti duwan yihiin.

Vamoulké ayaa la og yahay inuu si weyn u jaray mushaarkiisa markii uu bilaabay shaqada baahinta dadweynaha.

Qareen u doodayay bilowgii dacwadda, Alice Nkom, ayaa sheegtay in dhammaan kiisku uu ahaa mid siyaasadeed oo sharci darro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM