Soomaaliya: Hal milyan qof oo barakacay 130 maalmood gudahood
MUQDISHO, Soomaaliya - Isku darka sunta ah ee kala ah dagaaladda, abaaraha iyo daadadka ayaa ku qasbay in ka badan 1 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool inay ka cararaan guryahoodii 130 maalmood gudahood - waana heerka barakaca ugu sarreeya ee dalka.
Tirakoobyada ay diiwaan geliyeen UNHCR, Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, iyo Norwegian Refugee Council (NRC), ayaa muujinaya in dagaaladda ay ahaayeen waxa ugu weyn ee sababay qaxa intii u dhaxeysay 1-dii Jannaayo iyo 10-kii May ee sanadkan.
Sidoo kale, in ka badan 408,000 ayaa sababay in qof ay ku barakaceen daadad ku soo rogmaday guud ahaan degaanadooda halka 312,000 oo qof oo kale ayaa ku qaxaan abaaro ba'an.
Sidda laga soo xigtey warbixinta tirokoobka ah, inta badan dadkaasi ayaa waxay u qaxeen gobollada Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya iyo Gedo, ee koonfurta Soomaaliya.
"Iyadoo 1 milyan oo qof ay horay u barokaceen wax ka yar shan bilood, waxaan ka cabsi qabnaa in tiradda ay intaas kasii badan karto bilaha soo socda," ayuu yiri Agaasimaha NRC ee Soomaaliya Maxamed Cabdi.
Qaar badan oo ka mid ah dadka lagu khasbay inay qaxaan ayaa soo gaaray magaalooyinka ciriiriga ah iyo goobaha ay martigelinayaan dadka gudaha ku barokacay taas oo culays weyn saaraysa dadka degaanka.
"Baahiyaha bini'aadantinimo ee Soomaaliya waa ay sii kordhayaan, waxaan la shaqeyneynaa hay'adaha samafalka si aan uga jawaabno sida ugu macquulsan, ayay tiri wakiilka UNHCR ee Soomaaliya, Magatte Guisse.
In ka badan 3.8 milyan oo qof ayaa hadda barakac ku ah gudaha Soomaaliya. Dadkaas waxaa ku jira in ka badan nus malyuun caruur Soomaaliyeed ah kuwaas oo wajahaya nafaqo darro aad u daran.
Hase yeeshee, hay'adaha gargaarku ayaa waxay ilaa hadda heleen boqolkiiba 22 keliya ee agabka loo baahan yahay si loo gaarsiiyo gargaarka aadka loogu baahan yahay sannadkan dadkab tabaaleysan.
"Waxaan ku boorineynaa deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah inay kordhiyaan maalgelinta si ay si wanaagsan u ilaaliyaan kuwa ay u badan tahay inay xamili karin dhibaatada hadda jirta," ayay raacisay Guisse oo si adag uga digtey cawaaqib-xumo haddii gaabis kale uu yimaado.
GAROWE ONLINE