Soomaaliya: Mareykanka oo lala xiriiriyey olole qarsoodi ah

Image
Shaqsiyaadka iyo hay'adaha warbaahineed ee faafinaya fariimahan ayaa "iska dhigaya kuwa madax-banaan".

WASHINGTON, United States - Milatariga Mareykanka ayaa si toos ah ugu lug leh olole dacaayad faafin ah oo si qarsoodi ah uga socday baraha bulshadda, sidda ay shaaca ka dhigtey shirkadda Meta.

Soomaaliya ayaa, sidda ay muujinayaan macluumaadka, waxay kamid tahay wadamada ay ka howlgalaan shaqsiyaadka gacansaarka la leh ciidamada Ameerika ee faafin jiray dacaayadaha.

Sidda ay muujineyso warbixinta, fariimaha ay baahinayaan shaqsiyaadkan ayaa isugu jiray qaar lagu taageerayo Washington iyo xulafadeeda, laguna sumcad-dilayo Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan.

"Facebook-ga, 39 akoon, 16 page, iyo laba group ayaa hawada laga saarey, halka 26 akoon oo Instagram-ka ah la baabi'iyey sababo ku aadan in ay faafiyeen fariimo qaldan oo abaabulan," ayay ku dartey Meta.

Wadamada kale ee ay gaari jireen fariimaha kooxdan ayaa kala ah; Afghanistan, Algeria, Iran, Iraq, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Russia, Syria, Tajikistan, Uzbekistan iyo Yemen.

"Qaar ka mid ah kuwa taageera Mareykanka waxay iska dhigaan warbaahin madax-bannaan, qaarna waxay isku dayeen inay u gudbiyaan wararka ka imaanaya xarumaha sharciga ah, sida BBC News," ayay ku dartey xogta.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka oo ay soo xigatay BBC-da ayaa daaha ka rogtey in ay ka war qabto warbixinta iyo eedeymaha loogu jeediyey ayna ka baaraan-dageyso jawaabta ay ka bixineyso.

Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 500 askari kuwaasoo isugu jira tababareyaal gacan-siiya ciidamadda Soomaaliiya iyo saraakiil kale oo fuliya howlgaladda gaarka ah sidda duqeymaha cirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ka Waran Adigoo Ka Cararaya Gaabnaanta Haddaad Lugahaaga Jajabiso Si Aad Dherer U Hesho?

Khabiir lafaha ku takhasusay oo ka tirsan NHS ayaa sheegay in qalliinkan aanu…

  • Warbixino

    25-05-2026

  • 05:53AM

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM