UN-ka iyo Mareykanka: Waa in lala xisaabtamo kuwa rayidka ku dilay Laascaanood

Image
Qaramada Midoobay iyo Washington ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo xabada lana bilaabo wadaxaajood xal waara lagu raadinayo.

NEW YORK, USA - Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Jimcaha maanta ah walaac ka muujiyay tirada badan ee dadka rayidka ah ee ku dhintay colaadda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

"Waxaan ka xunnahay dilka ugu yaraan 63 qof iyo in ka badan 363 lagu dhaawacay," ayay tiri Isha Dyfan, oo ah khabiirka madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobay ee xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Iyadoo soo xiganaysa warbixinnada ku saabsan weerarrada aan loo meel dayin ama ula kac ah ee ka dhanka ah rayidka iyo kaabayaasha rayidka, Isha waxay sheegtay in weerarradan ay yihiin kuwo aan sinaba loo aqbali karin oo si toos ah uga hor imaanaya sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo sharciga bani'aadamnimada.

"Kuwa mas'uulka ka ah waa in lala xisaabtamo," ayay raacisay, iyadda oo ugu baaqday in mas'uuliyiinta inay xaqiijiyaan baaritaan madax-bannaan oo lagu sameeyo dhimashada iyo dhaawaca rayidka.

Isha ayaa ku dartey: "Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh iskahorimaadyada inay si buuxda u ixtiraamaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah, gaar ahaan marka la eego ilaalinta rayidka.

Khabiirku waxa uu ka digay in dagaallada ka socda Laascaanood ay ka sii dari doonaan xaalad bini’aadantinimo oo aad u liidata ee ka jirta guud ahaan gobolka Sool, iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay qiimeyn ay sameeyeen hay'adaha samafalka, dagaalka Laas-caanood, oo billowday 6-dii Febraayo, waxaa ku barakacay in ka badan 185,000 oo qof - oo 89 boqolkiiba ay yihiin haween iyo carruur.

"Waxaan jeclaan lahaa in aan ku celiyo baaqii ay soo saareen saaxiibada caalamiga ah ee ku aaddan helitaan marin bini'aadantinimo oo aan la xannibin oo si si degdeg ah wax uga qabtaan baahiyaha dadka barakacay iyo kuwa ay saameeyeen rabshadaha," ayay ku dartey.

Khabiirka ayaa ku boorisay dhammaan dhinacyada in ay ku heshiiyaan in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, khilaafkoodana lagu xalliyo wada hadal. "Ku guuldareysiga in sidaas la sameeyo waxay la mid tahay in la diido helitaanka caddaaladda iyo sii wadida isla xisaabtan la'aanta," ayay kusoo xirtey.

Dhanka kale, xafiiska Mareykanka ee Afrika oo soo dhaweeyay hadalka khabiirka ayaa si kulul u cambaareeyay beegsiga dadka shacabka ah waxa uuna ku baaqay in talaabo laga qaado cid kasta oo ku lug lahayd geerida shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM