Xaalado jahwareer ah oo lasoo darsay heesaaga Sharma Boy

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Barta You Tube-ka ee Sharmaake Cabdinaasir Maxamuud, mid kamid ah fanaaniinta heesaha Raabka ee Soomaalida, ayaa lala wareegay maamulkiisa. Falkaas waxaa qirtey in uu ka dambeeyay wariye Daahir Calasow.

Tani ayaa waxay u muuqataa in ay tahay natiijo ka dhalatay hadalo ay hawada isku-marinayeen labada dhinac labadii todobaad ee aynu kasoo gudubnay.

Si dhab ah looma ogga xudunta xiisadan. Hase ahaatee, Calasow wuxuu sheegay fanaanka "ku milmay siyaasada uuna inkiray in uu kusoo garab-istaagay guusha uu fankiisu haatan marayo".

Dhankiisa, Sharmaake oo loo garan og-yahay Sharma Boy ayaa ganafka ku dhuftay sheegashooyinkaas. Heesaagu wuxuu ku adkeystay in uu dedaalkiisa ku gaarey labinta uu maanta haysto "waxaana ka heesaa una heesaa wax kasta iyo cidaan rabo".

Heesihii ugu dambeeyay ee uu soo qaadey Sharma Boy waxaa kamid ah mid uu ku leeyahay “fanka annaa ka ah Farmaajo" iyo hees kale oo uu ku ammaanayo Puntland oo uu kasoo jeedo.

Kahor la wareegida bartiisa rasmiga ah ee mareegga You Tube-ka, Sharma Boy ayaa dhamaadka asbuucii hore wuxuu beeniyay in heesihiisa hawada laga saarey.

Codka wadahadalada

Sidoo kale, wuxuu tibaaxay in uu hawada si ku meelgaar ah uga saarey ciwaankiisa wallow uu kal dambe dib ugu soo celiyey kuna adkeystay "in cid aysan wax ka qaadeyn".

Daahir Calasow oo xalay kasoo dhex hadlay barta shaqsiga ah ee You Tube-ka Sharma Boy ayaa wuxuu shaaca ka dhigay in uu dib-u-celinayo ciwaankan hadii fanaanka uu qirto "heesaha aan u sameeyay uuna sheego waxa aan ahay".

Balse, Mr Calasow wuxuu si been abuur ah ugu eedeeyay Sharma Boy in uu ku sifoobay qabyaalad. Fanaanka wuxuu dhowr jeer si fagaare ah u shaaciyey in uu mar walba u taagan yahay Soomaali "xataa dhulka aan kasoo jeedo waxaan ka jeclahay meesha aan kusoo koray kuna soo barbaaray ee Muqdisho".

Calasow ayaa Jimcada maanta ah wuxuu faafiyey codka wadahadal uu la yeeshay Sharma Boy kaasoo uu ugu muuqdo mid uu ku raaligelinayo ninka ay is hayeen kuna sheegayo in uu soo duubayo muuqaal uu cudurdaarka ku bixinayo.

Fanaanka Sharma Boy ayaa carabka ku dhuftay in uu aad uga naxay warka ku saabsan in la wareegida bartiisa You Tube-ka. Warar madax-banaan waxay xusayaan in shaqsigii u haayey ciwaankiisa uu falkaas ku bedeshay aduun lacageed Doolar.

Xariga Sharma Boy

Booliska Garowe ayaa "xabsi dhigay" fanaanka Sharmaake Cabdinaasir Maxamuud [Sharma Boy]. Xariga wuxuu ka dambeeyay markii gaari uu waday uu ku rogmadey duleedka caasimada dowlada Puntland.

Dhacdadaas waxaa ku dhintay gabadh dhalinyaro ahayd, halka ay ku dhaawacmeen dhowr qof kale. Wali ma cadda sababta keentay shilka oo baaritaan ay ku bilaabeen saraakiisha amniga.

Wararka horudhac ah ayaa sheegaya in sababta shilka keentay ay la xiriirto fanaanka oo ku cusbaa adeegsiga wadada oo ah mid kaliya baabuurta ay kuwada socdaan hal goob isla markaana cawaaraha uu ahaa mid aad u sareeya.

"Laamiga duleedka waqooyi ee Garowe waa kuwa kaliya ka kooban hal saf taasoo dhamaadkeed uu yahay mid godad leh. Tani waxay ka dhigan tahay haddii darawalka uu kusoo galo si xawaare sare ah oo uusan horeyn u adeegsan waxay ka dhigan tahay uu ku dhacayo dadka halkaasna uu shil ku galayo. Marka Sharma Boy intaas ayaa qabsatay," ayuu yiri goobjooge.

Sharma Boy ayaa todobaadkan ka degay magaalada caasimada ah ee Garowe. Safarka waxaa ku wehliya saaxiibkii fanaanka ah Maslax Mideeye iyo shaqsiyaadka kale. Waxaa la fahansan yahay in ay xarunta dowladda Puntland ku qabanayaan bandhig faneed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM