"Yar-yarka iyo Arsenal": Qisada ku xeeran naasneesyada Al-Shabaab
MUQDISHO, Soomaaliya - Dadka qaar ayaa ugu yeera "yar-yarka," kuwa kale ay ugu wacaan "Arsenal" ama "AS" balse magacooda saxda ah waa Al-Shabaab halka dowladda federaalka Soomaaliya ay dhowaan ku tilmaamtay "Khawaariij".
Eryada ayaa horudhac ah u ahaa maqaal ay wariyaha warsidaha The Irish Times ee Sally Hayden ay uga faalootay dagaalka uu maamulka Xasan Sheekh kula jiro xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.
"Soomaalidu waxay og-soon yihiin in kooxda ay meel walba u joogaan mukhaabaraad, waana sababta keentay in dadka ay ula baxaan magacyo af-garasho ah marka ay iyaga ka hadlayaan," ayay Hayden ku tiri qormada.
Al-Shabaab ayaa Muqdisho laga saarey 2011 hase ahaatee kooxda waxay wali caasimada iyo magaalooyinka kale ay ka fulisaa weeeraro uu dhiig badan ku daato xal kama dambeys ahna illaa haatan looma helin.
Tirokoobka dadka rayidka ee la xasuuqay
Mashruuca Xogta Khilaafaadka Hubeysan, Goobta iyo Dhacdooyinka, oo ah hay’ad xog uruurisa ayaa sheegtay in in ka badan 4,000 oo qof oo rayid ah ay Al-Shabaab ku dileen tobankii sano ee la soo dhaafay laga soo bilaabo 2010.
Dhimashadan waxaa ka mid ah in ka badan 580 qof oo ku dhintay qaraxii Muqdisho ka dhacay 2017-kii. Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, laba qarax oo ka dhacay meel u dhow isla goobta ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 121.
Dhowr jeer oo hore, dagaalyahannada ayaa sidoo kale waxay weerarro ka geysteen dalka dariska la ah Kenya, oo uu ku jiro suuqa ganacsiga ee Westgate 2013, halkaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad 70 qof oo rayid ah.
Si lamid ah, weerarkii 2015-kii lagu qaaday Jaamacadda Garissa ayaa waxaa lagu xasuuqay ku dhawaad 150 qof. Dhacdooyinka soo laab-laabtey ayaa waxay dhabaha u xaareen in dadka ay bilaabaan iska-caabinta maleyshiyadda.
"Kacdoonka" iyo "dhamaadka" Al-Shabaab
Tan iyo markii dib loo doortey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud bishii May ee sanadkii hore 2022, Al-Shabaab ayaa wajahdey duulaan cusub oo ay iska kaashanayaan dadka degaanka iyo ciidamadda Soomaaliya.
Wareysi uu siiyey telefishinka Al Jazeera bishii December, 2022, Xasan Sheekh ayaa sheegay in howlgalada bilooyinkii lasoo dhaafay ay ku dileen 600 dagaalameyaal Al-Shabaab ah laguna xoreeyay ku dhowaad 70 degaano.
"Guulo la taaban karo ayaanu gaareynaa illaa haatan," ayuu Xasan Sheekh u sheegay warbaahinta Al Jazeera December 16-keedii. "Al-Shabaab waa la soo afjari doonaa hadduu uu Ilaahey idmo".
Ku dhowaad 500 kamid ah shan ciidamo Soomaali ah oo tababar ugu maqan Eritrea ayaa soo laabtey haatan. Askartan ayaa waxaa la filayaa in ay xoojiyaan dhaqdhaqaaqyada iyo howlgaladda marka la dhameystiro saanad iyo saadkooda.
GAROWE ONLINE