Soomaaliya: Arday iyo qoysas bilaabay in ay ka hayaamaan Boorama
GAROWE, Puntland - Magaalada Boorame ee xarunta gobalka Awdal ee Somaliland ayaa xarun u ah qoysas badan oo ka kala yimid degaanada Soomaalida kuwaasi oo halkaasi u doontay si ay ilmahooda tacliin ugu helaan iyo nolosha magaalada oo lagu tilmaamo mid qiime ahaan jaban.
Qoysas badan oo ka guuray degaanada Puntland ayaa halkaasi guryo ka kiraystay oo deegaan ka dhigtay iyada oo sidoo kale ay jaamacado ka dhigtaan in badan oo kamid ah ardayda ka qalin jabiya dugsiyada sare ee Puntland.
Dagaal Laascaanood ayaa la sheegay in uu saameeyay magaalada waxaana ay sababtay in ay ka barakaceen in ka badan 80 kun oo qof, sidda ay hay'adaha gar-gaarku ay sheegeen.
Ardaydii reer Puntland ee wax ka baran jirtay Boorame ayaa badankoodu halkaasi isaga soo tagay sida Garowe Online ay ogaatay mid kamid ah oo codsadey in magacyadooda aan lasoo xigan.
"Khamiistii (Febraayo,09, 2023) ayaa imtixaan noo dhamaaday oo fasax dhawr bari ah ayaan galnay laakiin ma ogi sida aan jaamacada ugu soo laaban doono saaxiibaday 90% waa ay tageen oo dhanka Puntland bay aadeen," ayuu yiri mid kamid ah dhalinyaradda.
Sidoo kale, qoysas ayaa u guuray dhanka Itoobiya iyada oo lagu qiyaasayo in ka badan 100 qoys waxaana arintaasi ay timid kadib markii arday reer Puntland ah dhawaan lagu dilay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.
Dagaalka SSC iyo Somaliland ayaa waxaa laga walaac-san yahay in uu saamayn wayn u keeno dhaqaalaha Somaliland maadaama halkaasi ay isaga guurayaan dadkii kasoo jeeday Puntland iyo deegaanada kale ee Soomaalida maadaama ay kamid ahaa ilaha laf-dhabarka u ah dhaqaalaha.
GAROWE ONLINE