Axmed Madoobe oo balanqaad rasmi ah ka helay dowlada Kenya

Image
Yaboohan ayaa ku saabsan taageerida howlgaladda ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab.

KISMAAYO, Jubaland - Waxaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle maalintii Axada ku kulmay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wasiirka difaaca Kenya, Aadan Bare Ducaale.

Kulankan ayaa qaatey muddo aad u kooban. Inkasta oo uusan jirin war rasmi ah oo labada dhinac kasoo saareen kulanka, haddane wararka la helayo ayaa sheegaya in looga wada hadlay hawlgalada bisha Janaayo la filayo in Jubbaland ku qaado Alshabaab.

Dowladda Kenya ayaa dareemaysa culeys badan kadib markii ay soo baxeen xogo sirdoon oo sheegaya in firxadka Al-Shabaab ay inta badan soo galayaan gobolalada Jubbooyinka, kadibna ay suurtogal tahay in ay Kenya u talaabaan.

Dagaalada Al-Shabaab kaga furan furumaha gobolada dhexe ayaa keenaya in maleyshiyaadkooda ay isugu tagaan gobolka Jubbada Dhexe oo ah kan ugu weyn ee ay haystaan.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu ballan-qaad rasmi ah ka heley dowladda Kenya in ay kala qeyb qaadanayso hawlgalka ka dhanka ah "Khawaariijta", balse meelo cayiman uu hawlgalka ku ekaan doono. Lama ogga goobahaas.

Wararka Garowe Online heleyso ayaa sheegaya in qorshaha Jubbaland uu yahay in ay xoreyso labo degmo oo muhiim ah oo ku yaala Jubbada Hoose, kuwaas oo kala ah degmada Xagar oo 45 KM u jirta Afmadoow iyo degmada Badhaadhe oo ay qeybo badan ka haystaan Al-shabaab.

Axmed Madoobe ayaa hadda ku sugan magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kaga qeybgalayo shirka Madasha Wadatashiga Qaran, waxaana la filayaa in uu hub iyo saanad badan kasoo helo dowladda federaalka.

Qorshaha ciidan ee guud ahaan Soomaaliya laga qaatay, islamarkaasna tijaabo la sameeyay lagu ogaaday in uu shaqaynayo ayaa ah in talaabo talaabo loola dagaalamo Alshabaab.

"Oo kolba degmo lagula dagaalamo halkii lala gali lahaa dagaal saf balaaran oo keeni kara qasaaro badan iyo dhabarjabin laga baaqsan karay," ayuu yiri qof si dhow ula socda qorsheyaasha madaxda qaranka.

Jubaland waa gobolka kaliya ee wali uusan booqan madaxwayne Axmed Maxamed Islaam iyo ismaamulka kaliya ee gobol dhan ay ka maamulaan xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madasha Somali Business oo si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho [Sawirro]

Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhaqaale.

  • Wararka

    07-08-2025

  • 07:16PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM