10-jir aan gacmo ku dhalan oo hanatay bilad far-qurxin

Image

WASHINGTON, US – Gabar 10-sano jir ah oo aan ku dhalan gacmo ayaa muujisay in ay wax u qori karto sida qof walba – hadii aysanba ka fiicneen.

Kadib qoraal kooban, Sara Hinesley ayaa ku guuleystay tartanka far-qurxinta Mareykanka 2019 ee loo yaqaano Nicholas Maxim Award.

Biladaan ayaa sanad kasta lagu abaalmariyaa ardayda, wax garadka iyo aqoonyada kamida dadka uusan lixaadkooda u dhameystirneen.

Sara oo farta ay qorto ay tahay mid aad u qurux badan ayaa qalinka ku qabsata dhamaadka labadeeda gacmood.

Inantaan oo fasalka saddexaad ee dugsiga hoose dhigata ayaa farxad ka muujisay abaalmarinta qaaliga ah ee la gudoonsiiyay.

"Aniga waxaan aaminsan-nahay in ay tahay wax fudud, waxaana ku sameeyaa Iskuulka," ayay tiri, sida ay kasoo xigteen warbaahinta.

Abaalmarinta la siiyay Sara oo qiima ahaan ku fadhisa $500 wali ma aysan go’aansan waxay ku sameyn doonto.

Balse waxay aaminsan tahay in sheekadeeda ay dhiirogelin u noqon doonto caruurta kale ee iyadda lamidka ah.

"Waxaan dareemayaa sharaf, kuwa kale waxaan filayaa in ay wax iga baran doonan, wayna awoodi karaa, hana isku dayaan," ayay raacisay.

Qoraalka ay qortay Sara ee ay biladda ku muteysatay

Hooyadeed, Cathryn Hinesley, ayaa aad ugu farax-san in jaa'izadda la gudoonsiiyey Inanteeda oo ay si wayn u amaantay.

"Sara waa gabar madax furan … maskaxdeeda aad ayey uga shaqeysiisaa waxayna qabataa waajibaadka laga rabo," ayay xustay.

Marka laga soo tago qoraalka, Sara ayaa ka hesha sameynta far-shaxanka, ka xeynta Baaskiilka, akhrinta iyo dabaasha.

Qoyskeeda ayaa si kooban isugu dayey in gacmo mac-mal ah u sameeyaan balse Sara oo ka diiday waxay go’aan satay in ay la'aantooda fiicnaan karto.

"Iyadu waa mid layaab leh … shaqeysa la’aanta gacmo mac-mal ah, umana baahna," ayay Maamadeeda daba dhigtay. "Wax kasta waa ay sameyn kartaa – xitaa laga yaabee si ka fiican aniga ama xaaskeyga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM