Aabe Soomaaliyeed oo dalka Sweden ugu dhintay Coronavirus

Image

STOCKHOLM, Sweden – Aabe Soomaaliyeed ayaa gudaha waddanka Sweden ugu geeriyooday caabuqa Coronavirus, sidda ay BBC-da kasoo xigatay xubnaha qoyskiisa.

Axmed Xaaji Xasan, oo ahaa qof waayeel ah, lagu waramay in xanuunka laga helay maalin kahor inta aan lasoo warin dhimashadiisa.

Cabdi, wiil uu dhalay marxuumka kaasoo la hadlay Idaacadda Caweysnimo ee BBC Soomaali, ayaa xaqiijiyey in aabihii uu qabay jirro kale.

"Niyow xanuunkaan hal maalin ayuu haayey isaga dhanba. Talaadaa xanuunku qabtay Isbitaal ayuu joogay. Way nasoo waceen odeyga wuu xanuunsan yahay ayey na dhaheen. Istorowgaa taabtey ayay dhaheen, Istorowgana waan qabyey, marka waxbaa isku biirsaday," ayuu yiri Cabdi.

Caadiyan, isbitaalada la geeyo bukaanada laga helo caabuqa loo dhinto ee COVID-19 looma ogola dadka kale ee ka badqaba xanuunkaas.

Qoyska Cabdi oo arrintaas la kulmay ayaa sameeyay dedaalo ay ku doonayeen in ay ku booqdaan waalidkooda, balse ma aysan miradhalin.

Qaabka kaliya oo ay kula socdeen xaalada caafimaad ee marxuumka ayaa waxay ahayd wicitaano ay ka helayeen maamulka Isbitaalka.

"Waxay nasoo waceen subaxii Arbacada waxay na dhaheen 'Aabe aad ayuu u liitaa, marka sidda ugu dhaqsiyaha badan imaada' meeshii ayaan tagnay iyaddoo aan la geli karin," ayuu hadalkiisu ku daray.

Dhakhaatiirta ayuu xusay in ay ku wargeliyeen in astaamaha cudurka ee kasoo muuqdey marxuumka ay ahaayeen kuwa aad u hooseeya, balse maadaama uu ahaa qof da' ah uusan jirkiisa u diyaarsaneyn difaaca.

Lama huba hadii geerida Aabe Axmed Xaaji Xasan ay noqoneyso qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo u dhinta fayruskaas. Waxaase la hubiyey in ay la nool yihiin tirro kale oo midkood uu joogo Muqdisho.

Sweden ayaa illaa iyo haatan xaqiijisay in ka badan kun kiis oo Coronavirus ah. Wadarta guud ee dhimashadda waxay ka badan 20 qof.

Ra'iisul Wasaare Stefan Löfven ayaa shaaca ka qaadey in xukuumadiisa ay qoondeysay 200-milyan oo Doolar si wax looga qabto dhaqaale burburka uu fayruska sababo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM