Askar Mareykan ah oo lagu dilay toogasho ka dhacday Afghanistan

Image

Militariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay maanta oo Axad ah, in laba askari oo Mareykan ah la dilay lix kalana la dhaawacay, ka dib markii askari Afghani ah oo la shaqeynayay uu rasaas ku furay.

Afhayeenka ciidamada Mareykanka ee dalkaasi ku sugan ayaa sheegay, in weerarkaasi uu ka dhacay xalay degmada Sherzad ee gobolka dhanka bari ku yaalla ee Nangarhar.

Guddoomiyaha gobolka bariga Afghanistan, Shah Mahmood Miakhel, ayaa u sheegay VOA, in gacan ku dhiiglaha oo xirnaa dirayska ciidamada halkaasi la dilay. Wuxuu sheegay in seddex ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Afghanistan iyo tiro askar Mareykan ah ay kamid ahaayeen kuwa ku dhaawacmay eweerarkaasi.

Dhanka kale, Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa habeenkii xalay lala beegsaday albaabka hore ee saldhig boolis oo ku yaalla konfurta dalka Afghanistan, iyadoo qaraxa lagu dilay ilaa lix askari oo boolis ah.

Qofka weerarka qaaday ayaa adeegsaday gaari military nuuca Humvee, waxaana qaraxu uu gilgilay saldhigga degmada Gereshki ee gobolka Helmand, sida ay saraakiisha Afghanistan u sheegeen VOA.

Taliyaha booliska degmada Kareshk, Ismaaaciil Khpalwak ayaa sheegay in qaraxu ay ku dhinteen lix askari.

Afhayeenka Kooxda Taliban ayaa ku soo qoray boggiisa Twitter-ka in kooxdiisu ay qaraxaasi ka danbeysay, isaga oo sheegay in waxa uu ugu yeeray saldhigga cadawga la burburiyey lana dilay in kabadan toban askari oo afghanistaaniyiin ah.

Related Articles

Lufthansa oo joojisay 20,000 oo duullimaad colaadda Bariga Dhexe darteed

Madaxda shirkadda ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen xasilloonida duullimaadyada caalamiga ah ee fogfog.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 01:47PM

Ruto oo cambaareeyay weerarada lagu qaadey Imaaraadka xili uu Abu Dhabi booqday

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sarre oo ka tirsan madaxtooyada Imaaraadka iyo xubno ka tirsan dowladda Kenya.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 12:49PM