Askari ilaalo u ahaa ra'iisul wasaare oo u geeriyooday Coronavirus

Image

ROMA, Italy – Askari ka tirsan booliska waddanka Talyaaniga kaas oo ilaalo u ahaa ra'iisul wasaaraha dalkaas, Giuseppe Conte, ayaa Sabtidii wuxuu u dhintay Covid-19, sidda uu ku dhawaaqay taliska guud ee bileyska.

Giorgio Guastamacchia oo 52-jir ah ayaa cudurka laga helay dabayaaqadii Maaj. Kadib isbitaal ku yaala Roma ayaa la dhigay. Qeybta xaalada deg-deg ah ayaa la dhigay markii kusii kordhay xanuunka.

Xukuumadda ayaa sheegtay in Conte uusan qaadin fayruska, maadaama ay laba todobaad kahor kulmeen askariga. Kadib baaritaano lagu sameeyay, wasiirka koowaad waa laga waayey caabuqa.

Mas'uuliyiin kala duwan oo ka tacsiyeeyay geerida "naxdinta leh" ee Guastamacchia ayaa ku tilmaamay "shaqsi ku dayasho mudan".

Talyaaniga ayaa ah dalka uu sida daran u saameeyay Covid—19, guud ahaan caalamka. Kaliya Jimcadii waxaa lasoo wariyey 766, iyaddoo wadarta guud ee dhimashada ay ka badan tahay 15-kun.

Wasaarada Caafimaadka ayaa qaadey talaabooyin ay uga hortageyso faafitaan horleh, waxaana kamid ah bandow iyo joojinta kulamada dadweynaha

Guud ahaan caalamka, caabuqa ayaa dilay in ka badan 60-kun oo ruux, iyaddoo ay qaadeen tirro kor-u-dhaafeysa hal milyan, waxaana kasoo kabtay in ka badan 200-kun, sidda ay muujineyso warbixintii u dambeysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyaha cusub ee Iran oo weli "qarsoon" iyo shaki ku saabsan noloshiisa

Maqnaanshahan ayaa si weyn uga duwan hab-dhaqankii aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 09:29AM

Trump Oo Kordhiyay Xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan

Go’aanka ayaa yimid iyadoo wareeg cusub oo wadahadallo ah la filayay, balse xaaladda ay weli mugdi ku jirto.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 07:54AM