Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyey mooshin saameynaya Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyey mooshin ay u gudbisay Madaxtooyadda dalkaas kaasoo saameynaya Biyaha Soomaaliya.

Soo jeedinta oo ay mudaneyaasha meelmariyeen Arbacadii ayaa xeerinaya in muddo kordhin loo sameeyo ciidamadda ka jooga Gacanka Cadan, Biyaha Soomaaliya iyo Badda Carabta.

Muddo kordhinta ayaa dhamaan doonta 10-ka Febraayo 2021, sidda ku xusan warqadda ka timid xafiiska Recep Tayib Erdogan.

Markii ugu horeysay oo xeer-dejinta ansixiso waxay ahayd 2008-dii, tan iyo xiligaas waxaa la kordhiyey muddo 12-jeer ah.

Gacanka Cadan, oo ku dhow Yemen, iyo marinka afaraad ee ugu weyn saliida caalamka, oo la yiraahdo Bab el-Mandab Strait, waa wadada kaliya ee shidaalka loo mariyo Bariga Dhexe.

Badda Carabta iyo dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika ee Soomaaliya ayaa waxay muhiim u yihiin khaliijka iyo biyo-mareenkaas.

Tan iyo markii ay xafiiska timid dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Soomaaliya ayaa u dhoweyd Turkiga iyo Qadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM