Boris Johnson: Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska oo laga helay Coronavirus

Image

LONDON UK – Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson, ayaa bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, wuxuu ku shaaciyey in uu qaadey Coronavirus.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda fadhigeedu yahay London ayaa xusay in uu tijaabo maray kadib markii uu isku arkay astaamaha xanuunka.

Ma uusan fahfaahin qaabka uu ku qaadey ama waxa uu tuhunsan yahay. Balse, waxaa la aaminsan yahay in uu kasoo gaarey dad uu la kulmay.

Boris ayaa daboolka ka qaadey in uu galayo karan-tiil shaqsi ah isla markaana shaqooyinka dowladda uu kusii wadayo muuqaal ahaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu carabka ku adkeeyay in xukuumadiisu sii dardargelin doonto la dagaalanka caabuqaas dilaaga ah.

"Wadajir ayaanu uga guuleysan karnaa," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo shacabka ku boorinaya in ay kaalin weyn ka qaataan ololaha socda.

Kiisaska Coronavirus ee laga xaqiijiyey gudaha boqortooyadda UK ayaa gaaraya kumanaan, iyaddoo geerida ay boqolaal mareyso, haatan.

Si ay uga hortagto faafitaan horleh, dowladda Britain ayaa soo rogtay xayiraadyo horleh oo ay kamid tahay joojinta isu socodka iyo kulamada dadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyaha cusub ee Iran oo weli "qarsoon" iyo shaki ku saabsan noloshiisa

Maqnaanshahan ayaa si weyn uga duwan hab-dhaqankii aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 09:29AM

Trump Oo Kordhiyay Xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan

Go’aanka ayaa yimid iyadoo wareeg cusub oo wadahadallo ah la filayay, balse xaaladda ay weli mugdi ku jirto.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 07:54AM