Caalamka: Tirada dadka uu galaaftey Coronavirus oo si weyn u korortay

Image

ROMA, Italy – Macluumaadkii ugu dambeeyay ee laga helayo fayruska Corona ayaa waxay muujinayaan in dadka guud ahaan caalamka ugu dhintay caabuqaas ay tiro ahaan ka badan tahay 30-kun.

Intaas waxaa wehlisa, kiisaska lasoo wariyey in la diiwaan-geliyey saacadihii lasoo dhaafay ay ka badan tahay lix boqol oo kun.

Dadka kasoo bogsaday markii uu soo ritay xanuunkaas dilaaga ah ayaa aad u hooseysa, waxayna ka badan yihiin boqol kun kun.

Kaliya gudaha waddanka Talyaaniga waxay geeridu ka badan tahay tobban kun, iyaddoo kiisaska ay kumanaan yihiin. 24-kii saac ee lasoo dhaafay, in ka badan 800 dhimasho ayaa la shaaciyey.

Mareykanka oo hogaaminaya wadamada laga soo sheegay kiisaska ugu badan ayaa waxay kor-u-dhaafayaan 100-kun xili dhimashadu ku dhow dahay laba kun.

Qaarada Yurub oo ah meesha uu sidda ba'an ugu habsaday cudurka ayaa waxaa caabuqa ugu geeriyootay ku dhowaad 20-kun oo qof.

Afrika oo dhimashada ay aad u hooseyso ayaa ah ugu yaraan boqol, iyaddoo kiisaska la xaqiijiyey ay kun ku dhow yihiin. Soomaaliya waxaa laga xaqiijiyey saddex kiis.

Aasiya oo ah meesha uu kasoo bilowday gaar ahaan bartamaha Shiinaha waxay geeridu tahay boqolaal kun, iyaddoo kiisaska ay ka badan yihiin, wallow hoos u dhac uu jiray maalmihii u dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyaha cusub ee Iran oo weli "qarsoon" iyo shaki ku saabsan noloshiisa

Maqnaanshahan ayaa si weyn uga duwan hab-dhaqankii aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 09:29AM

Trump Oo Kordhiyay Xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan

Go’aanka ayaa yimid iyadoo wareeg cusub oo wadahadallo ah la filayay, balse xaaladda ay weli mugdi ku jirto.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 07:54AM