Coronavirus oo baajiyey xaflado meher oo lagu casuumay boqorada UK

Image

LONDON, UK – Boqorada dalka Ingiriiska, Elizabeth II, ayaa baajisay safar ay ku tagi lahayd Cheshire iyo Camden, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xarunta Boqortooyadda UK ee Buckingham Palace.

Sababta keentay dib-u-dhac socdaalka ayaa lagu sheegay "feejignaan dheeraad ah" oo ku saabsan ka hortaga faafitaanka caabuqa Coronavirus.

Go'aanka hakinta booqashada waxaa la tilmaamay in la qaatay kadib talooyin la waydiiyey saraakiisha caafimaadka dowladda iyo kuwa xarunta.

Bayaanka ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in sidoo kale dib-u-eegis lagu sameyn doono munaasabadaha kale ee lagu casuumaday boqorada.

"Sidda caadada ahayd, daawadayaasha waa lagu soo war-gelin doono waqtiga isbedelka oo ku saleysan hadba sidda ay xaalada faafinta cudurka ay noqoto," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Elizabeth II ayaa qorshuhu ahaa in ay ka qeybgasho munaasabado nikaax ah ama faraanti-geliska lamaaneyaal kala duwan oo ka dhici lahaa Cheshire iyo Camden, kuwaasoo hadda baaqdey.

Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka Yurub ee sidda ba'an uu u saameeyay xanuunkaas dilaaga ah. Sidda ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Aduunka WHO, qaaradan waa tan kaliya ee si xoogan uu ugu faafay Coronavirus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM