Coronavirus: Tiradda dhimashada guud ahaan caalamka oo korortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tiradda geerida guud ahaan caalamka ee Coronavirus ayaa waxay dhaaftay in ka badan 25-kun oo ruux, sidda ay muujisay macluumaad ay soo bandhigtay Jaamacada Johns Hopkins.

Warbixinta oo warbaahinta xigatay ayaa muujisay in dadka uu soo ritay cudurka ay tiradoodu mareyso 553,000.

Sidda laga soo xigtay xog-uruurina, dadka kasoo bogsaday xanuunka waxay tiradoodu ka badan tahay 127,500.

Mareykanka waa dalka laga soo sheegay kiisaska ugu badan ee fayruska. Illaa iyo haatan, waxaa la diiwaan-geliyey in ka badan 86-kun qof oo uu soo ritay waxaa ka bogsaday 800; 1,300 way dhinteen.

Talyaaniga oo hogaaminaya tirada dhimashada caalamka oo dhan ayaa dhaafay Shiinaha oo safka hore kaga jiray; illaa iyo hadda, gudaha Italy waxaa xanuunka ugu dhimatay ku dhowaad 90-kun.

Kaliya shalay oo Jimce ahayd, waxaa lasoo wariyey in dilaaga aan muuqan ee Covid-19 uu galaaftay ku dhowaad kun ruux, inta illaa iyo hadda waa iskoorkii ugu horeeyay in 24-saac ay tiradaas dhimato.

Fayruska Corona oo kasoo bilowday bartamaha dalka Shiinaha ayaa saameeyay qeybo badan oo nolosha bini'aadamka. Marka laga yimaado ka hortag, ma jiro daawo rasmi ah oo cudurka looga soo kaban karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM