Covid-19 oo soo ritay nus-milyan qof xili ay korortay tirada geerida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Coronavirus ayaa soo ritay in ka badan nus-milyan qof oo ku nool guud ahaan caalamka, sidda ay shaacisay Jaamacadda Johns Hopkins ee ku taala dalka Mareykanka.

Sidda ku xusan macluumaad ay baahisay Jaamacadda, taasoo ay xigatay warbaahinta caalamka, dadka illaa iyo haatan laga helay cudurka ee ku nool dunida oo idil waa 531,000.

Xog-uruurinta ayaa muujisay in dadka u geeriyooday caabuqa oo aad u korodhay ay ka badan tahay 24,000 [afar iyo labaatan kun].

Kaliya waddanka Shiinaha ayaa waxaa laga diiwaan-geliyey in ka badan 81,700, halka Talyaaniga uu marayo 80,500.

In ka badan 122,000 ayaa waxay ka bog-sootay fayruskaas. Kaliya gudaha Mareykanka, waxaa ugu dhimatay 1,288.

Talyaaniga waa waddanka ugu badan ee dad ay ugu dhinteen cudurkaas. Illaa iyo haatan, waxaa la liis-gareeyay 8,200.

Sikastaba ha ahaatee, iyaddoo aysan muuqan ifafaalo lagula tacaali karo cudurka, Qaramada Midoobay oo ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo jirada ayaa dalbatay maal-gelin "loo dhan yahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM