Cunug dhalan 30-saacadood oo laga helay cudurka Coronavirus

Image

BEIJING, China – Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa Khamiista maanta ah warisay in cunug dhalan 30-saacadood laga helay cudurka Coronavirus.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in uu noqonayo kiiskii ugu da'da yaraa ee la diiwaan-geliyo, inta illaa iyo haatan la og-yahay.

Cunuga ayaa 2-dii bishaan Febraayo, 2020, ku dhashay Wuhan, oo ah halka uu kasoo bilowday caabuqaan dilaaga ah.

Tijaabo laga qaadey hooyadda cunuga kahor inta aysan dhalin ayaa muujisay in uu hayo xanuunkaas heeganka geliyey dalal badan.

Hase ahaatee, ma cadda qaabka ugu gudbay cunuga. Waxaysa u badan tahay midkood – xiligii uu ku jiray ilmo-galeenka ama kadib dhalashadda.

Wakaaladda wararka Xinhua ayaa soo warisay in cunuga laga helay cudurkaan xili dambe oo Arbacadii shalay ahayd, 5-ta Febraayo, 2020.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in cunuga ay xaaladiisu tahay haatan mid xasiloon isla markaana dhakhaatiirta si dhow ula socdaan caafimaadkiisa.

Coronavirus ayaa la xaqiijiyey in uu dilay 565 qof, halka uu ku dhacay in ka badan 28 kun oo qof. Kaliya hal dhimasho ayaa laga soo wariyey guud ahaan China.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM