Dhakhtar caan ah oo u dhintey cudurka Coronovirus

Image

WALES - Dhakhtar caan ah oo ku takhasusey qalitaanka Wadnaha ayaa ku dhintey qolka isbitaalka ee lagu hayo dadka xaaladooda liidato "Intensive care Unit" kadib markii laga heley maalmihii la soo dhaafey cudurka Covid-19.

Jitendra Rathod, 62 jir ifka kaga tagey labo caruur ah ayaa kamid ah dhakhaatiirta aadka loo jecel yahay oo ka shaqeysa isbitaalka ku yaal Jaamacada Wales Cardif. 


Caalamadaha ay sheegeen in cudurkaan lagu garto hay'adaha caafimaadka qaabilsan waxaa kamid ah: 

  • Xumad sare- oo aad ku garan karto hadaad taabato shafkaaga iyo dhabarka
  •  qufac cusub oo iska socda- taas macnaheeda waa in aad si joogto ah u qufaceyso

Waxaa loogu baaqey qof walba oo dareemaya calaamadahaas inuu jooga gurigiisa ugu yaraan 7 cisho.

Hadaad la nooshahay dad kale, waa in iyaguna guriga joogaan 14 cisho si ay isaga ilaaliyaan iney faafiyaan xanuunkaan dilaaga ah.

 14 cisho kadib, qof walba oo guriga kugula nool guriga oo aan caalamadaha lagu garto xanuunkaan ka soo bixin waa in nolol maalmedkiisa Caadiga ah dib ugu noqdaa. 

Hadaad la nooshahay dad ama qof da'diisu gaareyso 70 jir xanuun kale qaba ama qof xaamilo dumar ah meel kale ka aad xaafada oo ku noolow.


Rathod oo qali jirey islamarkaana daaweyn jirey cudurada ku dhaca Wadnaha ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay oo u dhinta xanuunkaan isagoo ka shaqeynaya xarumaha caafimaadka Wales.

Qoraal la soo dhigey bogga internet ku leedahay jaamacada Cardif iyo Vale ayaa bogaadiyey shaqada dhakhtarkaan soo qabtey iyaga oo xusey in tan iyo 1990 ka shaqeynayey qaybta qaliinka jaamcadaan.

Wasiirka Kowaad ee Wales Mark Drakeford ayaa isagana BBC u sheegey in DR. Rathod la tabi doono isagoo tacsi u direy qoyskiisa.

Cudurka Coronavirus ayaa waxaa u dhintey dhakhaatiir iyo kaalkaaliyaal kala jooga daafaha aduunka kuwaas oo safka hore kaga jira la tacaalida dadka xanuunkaan soo rito kuwaas oo buux dhaafiyey Isbitaalada ku kala yaala caalamka gaar ahaan wadanka Ingriiska, Mareykanka, Talyaaniga iyo Spain. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM