Mareykanka oo badalaya siyaasadiisa Soomaaliya

Image
Natiijadda dib-u-eegistan ayaa la sheegay in la shaacin doono todobaadyadda soo aadan.

WASHINGTON, USA – Maamulka Joe Biden ayaa qorsheynaya in uu asbuucyadda soo aadan soo saaro siyaasad cusub oo uu kula macaamilayo Soomaaliya, sidda ku xusan warbixin uu daabacay wargeyska afka dheer ee New York Times.

Sida ku xusan warbixinta, Mareykanka ayaan aaminsan in uusan guuldareysan howlgalkiisa Soomaaliya "balse uu ka fekerayo sidii uu xal ugu heli lahaa caqabadaha ka hor-yimid".

"Maamulka waxaa laga yaabaa in uu todobaadyadda nagu soo aadan uu soo bandhigo siyaasad cusub oo u uku wajihi doono Soomaaliya," ayay raacisay warbixinta oo soo xigatay mas'uuliyiin kuwaasoo aanan la shaacin magacyadooda.

Qormadda ma aysan bixin tafaasiil ku saabsan goobaha uu isbedelka ku imaan doono. Dhanka kale, dowladda Soomaaliya kama aysan jawaabin codsiyo la xiriira isbedelkan.

Xukuumaddii Donald Trump ayaa la sheegay in ay Soomaaliya kaga tagtay qodxo badan kuwaasoo qaaditaankeeda ay ku adkaan doonto ama waqti ka qaadan karta Biden waxaana kamid ah saarista askarta Ameerikaanka ee dalka joogay.

"Biden wuxuu ka baaraan-dagayaa in uu dib ugu celiyo ciidamadda," ayay Jariiradda ku warantay. Askartaas oo Soomaaliya ka hayaamay bishii Janaayo waxaa hataan fadhigoodu yahay dalalka Kenya iyo Jabuuti.

Washington ayaa kaalin weyn ka qaadata dedaaladda dib-u-dhiska dowladnimada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ciidamadda Soomaaliya kuwaasoo lagu qiyaaso tiradooda 30-kun balse wali u bac-bac-dhigi la' Al-Shabaab oo ka kooban 10-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM