Mareykanka oo badalaya siyaasadiisa Soomaaliya

Image
Natiijadda dib-u-eegistan ayaa la sheegay in la shaacin doono todobaadyadda soo aadan.

WASHINGTON, USA – Maamulka Joe Biden ayaa qorsheynaya in uu asbuucyadda soo aadan soo saaro siyaasad cusub oo uu kula macaamilayo Soomaaliya, sidda ku xusan warbixin uu daabacay wargeyska afka dheer ee New York Times.

Sida ku xusan warbixinta, Mareykanka ayaan aaminsan in uusan guuldareysan howlgalkiisa Soomaaliya "balse uu ka fekerayo sidii uu xal ugu heli lahaa caqabadaha ka hor-yimid".

"Maamulka waxaa laga yaabaa in uu todobaadyadda nagu soo aadan uu soo bandhigo siyaasad cusub oo u uku wajihi doono Soomaaliya," ayay raacisay warbixinta oo soo xigatay mas'uuliyiin kuwaasoo aanan la shaacin magacyadooda.

Qormadda ma aysan bixin tafaasiil ku saabsan goobaha uu isbedelka ku imaan doono. Dhanka kale, dowladda Soomaaliya kama aysan jawaabin codsiyo la xiriira isbedelkan.

Xukuumaddii Donald Trump ayaa la sheegay in ay Soomaaliya kaga tagtay qodxo badan kuwaasoo qaaditaankeeda ay ku adkaan doonto ama waqti ka qaadan karta Biden waxaana kamid ah saarista askarta Ameerikaanka ee dalka joogay.

"Biden wuxuu ka baaraan-dagayaa in uu dib ugu celiyo ciidamadda," ayay Jariiradda ku warantay. Askartaas oo Soomaaliya ka hayaamay bishii Janaayo waxaa hataan fadhigoodu yahay dalalka Kenya iyo Jabuuti.

Washington ayaa kaalin weyn ka qaadata dedaaladda dib-u-dhiska dowladnimada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ciidamadda Soomaaliya kuwaasoo lagu qiyaaso tiradooda 30-kun balse wali u bac-bac-dhigi la' Al-Shabaab oo ka kooban 10-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Mareykanka oo Doonaysa in Shirkadaha Baabuurta ay Hub Sameeyaan

Mareykanka ayaa xilligan wajahaya culeys weyn oo dhanka kaydka hubka ah, ka dib markii kaalmo weyn la siiyay Ukraine tan iyo 2022.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 08:37AM

Iran oo ku hanjabtay inay xiri doonto Badda Cas haddii go'doominta Mareykanka ay sii socoto

Digniintan ka timid dhanka Tehran ayaa daba socota ku dhowaaqistii Taliska Dhexe ee Mareykanka ee CENTCOM.

  • Caalamka

    15-04-2026

  • 02:33PM