Guterres oo xil u magacaabay mas'uul kasoo shaqeeyey Soomaaliya

Image

NEW YORK, US – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa Philippe Lazzarini u magacaabay maamulaha guud ee Hay'adda gargaarka UN-ka ee Qaxootiga Falastiyiin taasoo loo garan-og-yahay UNRWA.

Lazzarini ayaa bedelaya Christian Saunders kaasoo si ku meel gaar ah u hayey jagadaas kadib is-casilaadda Pierre Krahenbuhl.

Antonio Guterres, madaxa Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa, ayaa doorkiisa shaqo kaga mahadceliyey mudane Saunders.

Krahenbuhl ayaa xafiiska baneeyay ka gedaal markii laga gudbiyey warbixino isaga dhan ah, taasoo keentay in lagu riixo is-casilaada.

Mas'uulka cusub, Lazzarini, ayaa haysta waaya-aragnimo in ka badan 30-sano oo ku saabsan arrimaha bini'aadanimadda iyo isku-xirka caalamka goobaha ay colaaduhu ka jiraan iyo kuwa kasoo kabanaya.

Goobahaas wuxuu uga soo shaqeeyay Qaramada Midoobay, Laanqeyrta Cas iyo Hay'adda gaar loo leeyahay, sidda xafiiska warfaafinta Guterres uu ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saarey.

Tan iyo sanadkii 2013-kii, wuxuu isu-duwe arrimaha bini'aadanimadda uu kasoo ahaa wadamadda Soomaaliya iyo Lebanon.

Lazzarini ayaa Qaramada Midoobay ku biiray 2003-dii, wuxuuna kasoo shaqeeyay qeybo kala duwan oo ururkaas caalamiga ah.

UNRWA ayaa haatan gacanta ku haysa gargaarka in ka badan shan milyan oo Falastiyiin ah, oo ku nool Jordan, Lebanon, Suuriya si lamid ah Daanta Galbeed iyo Gaza.

Is-casilaada Krahenbuhl ayaa dharbaaxo kulul ku noqotay hay'adda, oo mar sii horeysay la daalaadhaceysay kaalmadii uu ka jartay Mareykanka, oo ahaa deeq-bixiyaha ugu weyn, wallow cambaareyn uu kala kulmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM