In ka badan 20 Xildhibaan oo laga helay cudurka Coronavirus

Image

TEHRAN, Iran – Iyaddoo laga cabsi qabo in ay tirada korodho, ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Iran ayaa Talaadada maanta ah ku dhawaaqay in 23 Xildhibaan laga helay Coronavirus.

Wadarta guud ee mudaneyaasha xeer-dejinta waddankaas dhaca Bariga Dhexe ayaa waxay gaareysaa 290 sharci-dejiyeyaal.

Ku dhawaaqista ayaa kusoo aadeysa maalmo kadib markii si ku meel gaar ah loo joojiyey fadhiyadda joogtada ah ee golaha.

Sidda ay warisay BBC Persian, Xildhibaanada waxay cudurka kasoo qaadeen degaan doorashadooda, halkaasoo ii si daran u sameeyay xanuunka.

Iiraan waa dalka labaad ee laga soo wariyey geerida ugu badan uu ka sababay dilaagaan, marka laga soo tago Shiinaha oo ah xudunta caabuqa.

Warbixintii u dambeysay ayaa waxay tilmaameysaa in 77 ruux ay u geeriyoodeen, isla markaana 2,336 laga helay.

Kiisaska la xiriira Xildhibaanada ayaa kusoo hagaageysa iyaddoo maalintii shalay ahayd lasoo tabiyey in uu u dhintay mas'uul lataliye sarre u ahaa hogaamiyaha sare ee Iran, Aayatulah Cali Khamani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM