Isticmaalka WhatsApp oo lagu soo rogay sharci cusub Covid-19 awgii

Image

NEW YORK, US – Shirkadda xiriirka bulshadda WhatsApp, taas oo hoostagta Facebook, ayaa waxaa lagu waramay in ay soo rogtay sharci cusub, sababo la xiriirta ka hortagga faafitaanka fayruska Corona.

Xeerka cusub oo durba la dhaqan-geliyey wuxuu yahay in aadan hal qof ka badan u diri karin fariimaha lagu wadaago habka loo yaqaano "forward".

Sidda ku xusan warbixinta, arrintaan ayaa ka dambeysay markii ay kordheen qoraalada lagu jahwareerinayo dadka ee la xiriira daawada cudurka Covid—19.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee loosoo gaabiyo WHO ayaa horey uga codsatay shirkadaha isgaarsiinta in ay la dagaalamaan dhibaatadaan soo korortay.

War-saxaafadeed kasoo baxay WhatsApp ayaa lagu sheegay in go'aanka isbedelka ay qaateen kadib markii ay arkeen koror baaxad weyn oo dhankaas ah.

"Waxaanu aaminsanahay ahmiyada ay leedahay in hoos loo dhigo faafitaanka fariimaha ay ka dhigeyso WhatsApp kaliya meel shaqsiyaad ku wada sheekeystaan," ayuu raaciyey bayaanka.

WhatsApp waxaa ku xiran in ka badan laba bilyan oo qof, kuwaas oo ku nool guud ahaan caalamka, sidda ay muujineyxog-uruurintii u dambeysay.

Coronavirus oo sababa xanuunka loo yaqaano Covid—19 oo kasoo bilowday bartamaha dalweynaha Shiinaha ayaa ku gaarey boqolaal waddan, wuxuuna ku galaaftay nolosha in ka badan 70-kun oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyaha cusub ee Iran oo weli "qarsoon" iyo shaki ku saabsan noloshiisa

Maqnaanshahan ayaa si weyn uga duwan hab-dhaqankii aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 09:29AM

Trump Oo Kordhiyay Xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan

Go’aanka ayaa yimid iyadoo wareeg cusub oo wadahadallo ah la filayay, balse xaaladda ay weli mugdi ku jirto.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 07:54AM