Khasaaraha weeraradii Sri Lanka oo korodhay xili ay Ajaaniib ku jiraan

Image

COLOMBO, Sri Lanka – Booliska ayaa shaaciyay in ay korodhay khasaaraha dhimasho ee weeraradii shalay ka dhacay wadankaasi.

Weerarada oo loo adeegsaday qaraxyo is-miidaamin u badan ayaa lagu beegsaday Kaniisado iyo Huteelo kuwa loo tamashlo tago ah.

Afhayeenka Bileyska ayaa xaqiijiyay in geerida ay haatan mareyso 290, kuwaasi oo 22 kamida ay Ajaaniib yihiin.

Turkiga ayaa xaqiijiyay laba muwaadin ay uga dhimatay dhacdadooyinkaasi, Ingiriiska wuxuu xusay in Shan looga dilay xili Mareykanka oo tobanaan tilmaamay.

Wali ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda mahadhooyinkaan oo caalamka oo idil si wayn uga dhiidhiyay

Dadka la beegsaday ayaa isugu jira kuwa ku guda jiray ciida masiixiyiinta ee Ester-ka iyo kuwa isku diyaarinayay arrinkaasi.

Dowladda oo soo rogtay bandow durba dhaqan-galay ayaa gebi ahaanba xanibtay baraha bulshada si looga hortago fahfaahinta been-abuur.

Golaha Xeer-dejinta Wadankaasi ayaa shir deg deg ah yeelan doono maalita Talaadada ah ee isbuucaan si ay uga arrin-sadaan xaaladaan.

Dalka Sri Lanka oo dhaca bariga qaarada Aasiya ayaa waxaa ku badan dadka aaminsan Budhiistaha xili Muslimiinta ay ka yihiin 9.7%.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM