Ku dhowaad 20-kun wadaado Tabliiq ah oo karantiil la geliyey

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Dowlada Pakistan ayaa maanta go'doomin maalmo ah waxay gelisay 20-kun oo wadaado Tabliiq ah, sidda ay ku warantay wakaalada wararka u faafisa dalka Faransiiska ee lagu magacaabo AFP.

Xukuumadda Islamabad ayaa sidoo kale ku raadjoogta kumanaan kale oo ka tirsan culimaddaas, sidda ku xusan warbixinta.

Shaqsiyaadkaas ayaa la sheegay in ay ka qeybgaleen munaasabad ka dhacday magaalada Lahore, bishii lasoo dhaafay ee Maaj.

Munaasabadaas socotay 10-kii ilaa iyo 12-kii bishaas ayaa qabsoontay iyaddoo ay jirto cabsida faafitaanka Coronavirus, oo dalkaas kiisas badan laga xaqiijiyey lana mamnuucay kulamada dadweynaha.

Mas'uuliyiinta ayaa go'aanka karan-tiilka ku qeexay mid lagu badbaadinayo nolosha kumanaan kale isla markaana ay soo qabanayaan cid kasta oo xaadirtay munaasabada ay agaasintay Tablighi Jamaat.

Inkastoo dowladda ay si furan u codsatay in la baajiyo, in ka badan 250-kun oo qof ayaa kasoo muuqdey munaasabaddaas.

Kiisaska Covid-19 ee Pakistan ayaa kor-u-dhaafaya laba kun, iyaddoo dhimashada ay tobanaan gaareyso. Ra'iisul Wasaare Imran Khan wuxuu ku adkeystay in ay ku dedaalayaan xakameynta xanuunkaas dilaaga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM