Ma dhabaa in boqoradda Ingiriiska laga helay Coronavirus?

Image

LONDON, UK – Iyaddoo warbaahinta maxaliga ah ee UK ay ka gaabsaneyso in ay soo hadal-qaado, walwalka laga qabo caafimaadka boqoradda Ingiriiska ee Queen Elizabeth ayaa la sheegay in ay sii kordheyso.

Walaaca oo daaran suurtagalnimada in ay qaadey Coronavirus ayaa korortay kadib markii ra'iisul wasaare Boris Johnson oo kamid ah dadkii u dambeeyay oo ay la kulantay laga helay xanuunkaas.

Sidda ay wararku qeexayaan, bishaan Maaj 11-keeda ee sanadka 2020 ayay ahayd markii u dambeysay oo ay is-arkeen Boris Johnson iyo boqorada.

Afhayeen u hadlay xafiiska Queen Elizabeth oo ka jawaabay baqdinta iyo hadalheynta taagan ayaa meesha ka saarey tuhunka taagan.

War-saxaafadeed deg-deg ah uu soo saarey ayuu wuxuu hoosta kaga xariiqay in caafimaadka boqoradda uu aad u wanaagsan yahay.

Inkastoo afhayeenka uu sidaas ku adkeystay, warbaahinada qaarkood ayaa ku waramaya in boqoradda uu "soo ritay" cudurkaas.

Boqoradda, oo 93-jir ah, ayaa haatan waxay ku sugan tahay hoygeeda Windsor Castle kuna yaala galbeedka London, halkaas oo ay ku wehliyaan seygeeda 98-jirka ah ee Prince Philip iyo ilaalo kooban.

Fayruska oo si rasmi ah gudaha ugu galay boqortooyadda ayaa todobaadkii lasoo dhaafay laga helay Amiir Charles, kaas oo ay dhashay Queen Elizabeth isla markaana ah dhaxal-sugaha boqortooyada.

Charles ayaa markii u dambeysay waxay hooyadii kulmeen 12-kii Maaj, sidda uu shaaca ka qaadey xafiiskiisa. Tani waxay sidoo kale qeyb ka tahay sababta keentay walwalka laga muujinayo caafimaadka boqoradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM