Madaxwaynihii hore ee Peru oo is-toogtay kahor inta aan la xirin

Image

LIMA, Peru - Madaxwaynihii hore ee dalka Peru ayaa lagu waramayaa in geeriyooday kadib markii uu iska toogtay madaxa markii ciidamada Booliska ay yimaadeen hoygiisa si ay u xiraan.

Alan Garcia ayaa loola cararay isbitaal si loo badbaadiyo noloshiisa, balse waxaa lasoo wariyay in uu dhintay.

69-sano jirkaan ayaa wajahayay eedaymo ku aadan in uu sameeyay musuq-maasuq, uuna ku tagrifalay hanti dadwayne.

Garcia oo rumeysan mab'da wadaniyadda mayalka adag ayaa hogaamiya ka ahaa xisbiga taageerada badan haysta ee Apra muddo tobban sano ah.

Dalka Peru ayuu madaxwayne ka ahaa intii u dhaxeysay 1985 illaa iyo 1990. Si lamid ah, waxa uu mar kale noqday 2006 illaa iyo 2011.

Kiiska musuq-maasuqa ee lagu haystay ayaa dibada u soo baxay 2016-kii markaasi oo uu qandaraas si hoose uu u siiyay shirkad reer Brazil ah.

Sanadkii hore waxa uu magan-galyo siyaasadeed waydiistay Uruguay markii looga mamnuucay in uu wadanka baxo baaritaanka ku socda awgii.

Dhowr jeer ayuu ku cel-celiyay in uusan sameynin wax khalad ah, balse talaabada uu isku dilay ayaa shaki-dhalineysa xaqiiqo sheegistiisa, sidda ay aaminsan yihiin dacwad oogayaasha iyo dadka kasoo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM