Madaxwaynihii hore ee Peru oo is-toogtay kahor inta aan la xirin

Image

LIMA, Peru - Madaxwaynihii hore ee dalka Peru ayaa lagu waramayaa in geeriyooday kadib markii uu iska toogtay madaxa markii ciidamada Booliska ay yimaadeen hoygiisa si ay u xiraan.

Alan Garcia ayaa loola cararay isbitaal si loo badbaadiyo noloshiisa, balse waxaa lasoo wariyay in uu dhintay.

69-sano jirkaan ayaa wajahayay eedaymo ku aadan in uu sameeyay musuq-maasuq, uuna ku tagrifalay hanti dadwayne.

Garcia oo rumeysan mab'da wadaniyadda mayalka adag ayaa hogaamiya ka ahaa xisbiga taageerada badan haysta ee Apra muddo tobban sano ah.

Dalka Peru ayuu madaxwayne ka ahaa intii u dhaxeysay 1985 illaa iyo 1990. Si lamid ah, waxa uu mar kale noqday 2006 illaa iyo 2011.

Kiiska musuq-maasuqa ee lagu haystay ayaa dibada u soo baxay 2016-kii markaasi oo uu qandaraas si hoose uu u siiyay shirkad reer Brazil ah.

Sanadkii hore waxa uu magan-galyo siyaasadeed waydiistay Uruguay markii looga mamnuucay in uu wadanka baxo baaritaanka ku socda awgii.

Dhowr jeer ayuu ku cel-celiyay in uusan sameynin wax khalad ah, balse talaabada uu isku dilay ayaa shaki-dhalineysa xaqiiqo sheegistiisa, sidda ay aaminsan yihiin dacwad oogayaasha iyo dadka kasoo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM