Majaajiliste Zelensky oo loo doortay madaxweynaha Ukraine

Image

KYIV, Ukraine - Majaajilistaha caanka ah ee Volodymyr Zelensky ayaa ku guuleystay doorashada madaxwaynaha Ukraine, kadib markii ku cod-batay wareega labaad.

Zelensky oo labinta ku helay 70% ayaa ka badiyay in ka badan 39 murashax oo uu ku jiro hogaamiyihii waqtigu ka dhamaaday ee Petro Poroshenko.

Mr Poroshenko oo qirtay dharbaaxada haleeshay ayaa waxaa uu wacad ku maray in uusan marnaba siyaasada ka bixi doonin.

"Aniga marnaba madaxeyga hoos uma raaricin doono," ayuu Poroshenko u sheegay suxufiyiinta kadib guuldarada.

Dhankiisa, guuleystaha Mr Zelensky oo u mahad-celiyay cod-bixiyeyaasha ayaa afka ku balaariyay in uusan noqon doonin mid jilicsan.

"Aniga marnaba hoos idinma dhigi doono," ayuu guushiisa kadib u sheegay warbaahinta madax banaan ee maxaliga ah.

Dadka kasoo horjeeda Mr Zelensky ayaa ku dhaliilaya in uusan lahayn waayo aragnimo siyaasadeed xili dalkaan uu wajahayo loolan wadamada dariska uga imaanaya.

Hasayeeshee isaga oo u muuqday mid ka jawaabaya arrinkaasi ayuu si cad daaha uga rogay in aysan taasi ahayn wax aanan jirin.

"Dalalka Midowgii Suufiyeenti, hadii aad doontaa si fiican noosoo eega wax kasta waa suurtogal," ayuu daba dhigay hadalkiisa.

Majaajiliistaan madaxwaynaha noqday ayaa ku caan baxay musasal laga baahiyay mid kamida Tv-yadda ugu caansan Ukraine, halkaasi oo kusoo bandhigay hibadiisa hogaamineed iyo qaabka uu ula dagaalamayo musuqa

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM