Masaajida magaalooyin ku yaala Mareykanka oo loo fasaxay Aadanka

Image

WASHINGTON, US – Saddex kamid ah magaalooyinka waaweyn ee waddanka Mareykanka ayaa u ogolaadey Masaajida in ay Aadanka Saalada u adeegsadaan codbaahiyeyaasha ama sameecadaha.

Magaalooyinkaas ayaa lagu waramay in ay kala yihiin; Hamtramck, Dearborn iyo Paterson oo ugu dambeysay.

Coddeyn ay Talaadadii u qaadeen Golaha Degaanka Paterson, waxaa ogolaatey 5, halka ay diideen afar xubnood.

Maritza Davila, madaxweynaha golahaas, oo ku jirta xubnaha taageeray qaraarka, ayaa talabaadaas ku qeexday "mid weyn".

Hindise sharciyeedka la ansixiyey ayaa u fasaxayaa Masaajida in ay Aadanka u adeegsan karaan cod-baahiyeyaasha inta u dhaxeysa lixda subaxnimo iyo tobbanka habeenimo.

"Xeerkaas waxaan u taageeray si qof walba uu u helay xorriyad siman," ayay Davila u sheegtay wakaaladda wararka Anadolu.

Sikastaba ha ahaatee, magaaladda Paterson oo ka tirsan ismaamul goboleedka New Jersey waxaan ku nool 146-kun oo ruux, kuwaasoo 30-kun oo kamid ah ay yihiin Muslimiin, sidda ku cad tirakoobka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM