Masaajida magaalooyin ku yaala Mareykanka oo loo fasaxay Aadanka

Image

WASHINGTON, US – Saddex kamid ah magaalooyinka waaweyn ee waddanka Mareykanka ayaa u ogolaadey Masaajida in ay Aadanka Saalada u adeegsadaan codbaahiyeyaasha ama sameecadaha.

Magaalooyinkaas ayaa lagu waramay in ay kala yihiin; Hamtramck, Dearborn iyo Paterson oo ugu dambeysay.

Coddeyn ay Talaadadii u qaadeen Golaha Degaanka Paterson, waxaa ogolaatey 5, halka ay diideen afar xubnood.

Maritza Davila, madaxweynaha golahaas, oo ku jirta xubnaha taageeray qaraarka, ayaa talabaadaas ku qeexday "mid weyn".

Hindise sharciyeedka la ansixiyey ayaa u fasaxayaa Masaajida in ay Aadanka u adeegsan karaan cod-baahiyeyaasha inta u dhaxeysa lixda subaxnimo iyo tobbanka habeenimo.

"Xeerkaas waxaan u taageeray si qof walba uu u helay xorriyad siman," ayay Davila u sheegtay wakaaladda wararka Anadolu.

Sikastaba ha ahaatee, magaaladda Paterson oo ka tirsan ismaamul goboleedka New Jersey waxaan ku nool 146-kun oo ruux, kuwaasoo 30-kun oo kamid ah ay yihiin Muslimiin, sidda ku cad tirakoobka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM