Maxkamada Sare ee Yurub oo xukun ku riday saddex dowladood

Image

LONDON, UK – Maxkamada sarre ee Yurub ayaa xukuntay in dowladaha Poland, Hungary iyo Jamhuuriyadda Czech ay beelmareen sharciga markii ay diideen in ay qaabilaan qaxooti ay heshiis ku galeen.

Heshiiska ayaa ku saabsanaa in ay culeyska ka yareeyaan Italy iyo Greece oo mushkilad baaxad weyn kala kulmay soo galootiga.

Hogaamiyeyaasha dalalka Yurub ayaa 2015-kii isku raacay in ay kala qeybsadaan qaxooti dhan 160,000 oo ku xerooyinka Italy iyo Greece.

Sidda ku xusan go’aanka Maxkamada Sare ee Yurub kaas oo maanta soo baxay, Poland, Hungary iyo Jamhuuriyadda Czech "waxay ku fashilmeen in ay dhaqan-geliyaan waajibaadka loo idmaday".

Guddiga sarre ee Midowga Yurub ayay xeer-beegtada awood u siisey in uu lacago ganaax ah ku rido wadamada dhaca bartamaha qaarada.

Jamhuuriyadda Czech ayaa la sheegay in ay kaliya qaabishay 12 kamid ah labada kun ee loo qoondeeyay, halka Hungary iyo Polan aysan qaabilin cidna, sidda lagu sheegay go’aanka maxkamada.

Heshiiska wadamada Yurub ayaa kaliya fursad siinayey magan-galyo-doonayaasha kasoo cararaya colaada ka aloolsan Suuriya.

Sidoo kale, garsooreyaasha ayaa waxbo kama jiraan kasoo qaadey dood ka timid wadamada oo ahayd in qaxootiga ay amni daro u horseedayaan.

Talyaaniga iyo Gariiga ayaa dhowr jeer ku eedeeyay wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub in aysan u midoobin dhibaatooyinka ay kamid tahay qulqulka soo galootiga, oo sanadihii dambe aad u kordhay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM