Norway: Soomaaligii ugu horeeyay oo u geeriyooday fayruska Corona

Image

OSLO, Norway – Qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah ayaa caasimadda Norway ee Oslo wuxuu ugu geeriyooday fayruska Corona, sidda uu baahiyey Telefishinka ku hadla afka Dowladda Federaalka ah.

Sidda ay muujineyso warbixinta, Axmed Faarax Cali, oo 70-sano jir ahaa, ayaa cudurkaan uu soo ritay saddex maalmood kahor inta uusan dhiman oo ahayd habeenimadii Jimcadda.

Geerida Cali ayaa sare u qaadeysa tirada Soomaalida wadamada caalamka ugu dhimaneysa xanuunkaas.

Sweden iyo Ingiriiska ayaa lagu waramay in ay ku geeriyoodeen tobanaan ruux, wallow aysan caddeyn tiradda.

Soomaali kale ayaa isbitaal u jiifa caabuqa, oo uu ku jiro Nuur Cadde, ra'iisul wasaarihii Dowladdii ku meelgaarka ah. Isbitaal ku yaala caasimada UK ee London ayaa lagu daaweynayaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Nuur Cadde iyo Soomaalida ee la ildaran xanuunka u rajeeyay soo kabasho, isagoo ku dhintay ALLE uga baryey naxariistiisa iyo in uu ka waraabiyo Janatul Firdowza.

Sikastaba, dalka Norway, kiisaska Covid-19 ayaa waxay kor-u-dhaafayaan saddex kun oo qof, iyadoo dadka u geeriyooday ay iyaguna ka badan tahay 20, marka lagu daro Odaygan Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM