Qaabka uu cudurka Karona u kala irdheeyay qoys ka kooban saddex qof

Image

Nin u dhashay Britain iyo gabadhiisa oo ku xanniban gobol uu ka dillaacay xanuunka Corona ayaa loo oggolaaday in dalkooda loo daadgureeyo, balse waxaan safarkaasi ku wehlin doonin xaaskiisa oo Shiineys ah.

Jeff Siddle oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in maadaama xukuumadda Beijing ay xayiraad dhanka socdaalka ku soo rogtay muwaadiniinteeda, aanay sidaa awgeed raaci karin xaaskiisa.

Caabuqa Corona oo kumannaan qof ku dhacay, ayna u dhinteen boqolaal kale oo Shiinaha ku nool ayaa kala qeybiyay qoysaska ka baxsanaya deegaannada uu saameeyay.

Siddle oo sameeya barnaamijta software-ka ayaa qaatay go'aan xanuun badan, kadib markii uu go'aansaday ka tegidda xaaskiisa si uu u badbaadiyo gabadhooda Jasmine ee 9 jirka ah.

Qoyskan ayaa u safray gobolka Hubei si ay halkaa ugu dabaaldegaan sanadka cusub ee Shiinaha.

Gobolkaasi ayaa lagu arkay 3,500 oo qof oo qaba xanuunka, gaar ahaan magaalada Wuhan oo ah halka uu ka bilowday.

Hubei waxaa ku nool kumannaan shaqaale ajaanib ah iyo arday. Dalal badan ayaa shaaciyay inay dadkooda ka soo qaadanayaan gobolkaasi.

Siddle iyo gabadhiisa ayaa la filayay in la soo qaado 1-da February, balse duulimaadyada Wuhan ayaa la hakiyay si loo xakameeyo faafidda cudurka.

Qunsuliyadda Britain ayaa u sheegtay Siddle in xaaskiisa Sindy aanay ka mid noqon karin muwaadiniinta la daadgureynayo, in kastoo ay deganaanshaha UK haysatay tan iyo 2008.

"Xafiiska arimaha dibedda ayaa ii sheegay in diyaaradda lagu qaadi doono muwaadiniinta Britain oo keliya, maadaama xukuumadda Shiinaha aanay oggoleyn in la daadgureeyo muwaadiniinteeda," ayuu Siddle u sheegay BBC.

Shiinaha ayaa kamid ah dalalka aan aqoonsaneyn in muwaadiniintooda ay baasaboor kale qaadan karaan.

Siddle ayaa sheegay in go'aanka uu uga tegay xaaskiisa ahaa mid adag. Waxa uu sheegay in gabadhooda ay aad uga murugootay hooyadeed, maadaama aysan ogeyn inta ay kala maqnaan doonaan.

BBC

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM