"Qof kasoo horjeestay" shuruucda xakameynta Covid-19 oo la toogtay

Image

NASIPIT, Philippines – Booliska dalka Philippines ayaa toogtay nin ay shaaciyeen in uu u hogaan-sami waayey shuruucda ka hortagga faafitaanka Coronavirus, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah.

Warbixin kasoo baxday bileyska ayaa intaas ku dartay in ruuxaan uusan wadan gafuur-xirka [maaskarada] isla markaana uu u hanjabay howlwadeenada caafimaad ee ka hortaga cudurka.

Dhacdadaas ayaa Axada maanta ah laga soo wariyey bar kontarool oo ku taala magaalada Nasipit ee hoostaga gobolka koonfurta waddankaas ku yaala ee lagu magacaabo Agusan del Norte.

"La tuhunsanaha wuxuu u muuqdey mid cabsan," ayay raacisay warbixinta booliska. "Balse wuxuu ahaa mid careysan wuxuu erayo aan fiicneyn uu ku dhahay shaqaalaha caafimaadka".

Kiiskaan ayaa noqonaya falkii koowaad ee boolisku ku lug-yeesho, waxaana uu kusoo aadaya xili madaxweyne Rodrigo Duterte uu dadweynaha uga digay in ay adheeci waayaan go'aanada xukuumadiisa.

Sidda ay warisay saxaafada, Duterte ayaa amar ku bixiyey in isla goobta lagu toogto qof walba oo ka hor-yimaada talaabooyinka looga gaashaamanayo faafitaanka fayruskaas safmareenka ah.

Kiisaska Covid—19 ee Philippines ayaa ka badan saddex kun, iyaddoo dhimashada ay kor-u-dhaafeyso 100, waxaana kasoo kabtay ku dhowaad 60, sidda ay ku dhawaaqdey Wasaarada Caafimaadka.

Hay'adda Amnesty International ee u dooda arrimaha xuquuqul insaanka ayaa mar sii horeysay uga digtay hogaamiyeyaasha awooda is-biday ee aduunka in ka hortaga Corona u adeegsadaan cabsi-gelinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM