"Qof kasoo horjeestay" shuruucda xakameynta Covid-19 oo la toogtay

Image

NASIPIT, Philippines – Booliska dalka Philippines ayaa toogtay nin ay shaaciyeen in uu u hogaan-sami waayey shuruucda ka hortagga faafitaanka Coronavirus, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah.

Warbixin kasoo baxday bileyska ayaa intaas ku dartay in ruuxaan uusan wadan gafuur-xirka [maaskarada] isla markaana uu u hanjabay howlwadeenada caafimaad ee ka hortaga cudurka.

Dhacdadaas ayaa Axada maanta ah laga soo wariyey bar kontarool oo ku taala magaalada Nasipit ee hoostaga gobolka koonfurta waddankaas ku yaala ee lagu magacaabo Agusan del Norte.

"La tuhunsanaha wuxuu u muuqdey mid cabsan," ayay raacisay warbixinta booliska. "Balse wuxuu ahaa mid careysan wuxuu erayo aan fiicneyn uu ku dhahay shaqaalaha caafimaadka".

Kiiskaan ayaa noqonaya falkii koowaad ee boolisku ku lug-yeesho, waxaana uu kusoo aadaya xili madaxweyne Rodrigo Duterte uu dadweynaha uga digay in ay adheeci waayaan go'aanada xukuumadiisa.

Sidda ay warisay saxaafada, Duterte ayaa amar ku bixiyey in isla goobta lagu toogto qof walba oo ka hor-yimaada talaabooyinka looga gaashaamanayo faafitaanka fayruskaas safmareenka ah.

Kiisaska Covid—19 ee Philippines ayaa ka badan saddex kun, iyaddoo dhimashada ay kor-u-dhaafeyso 100, waxaana kasoo kabtay ku dhowaad 60, sidda ay ku dhawaaqdey Wasaarada Caafimaadka.

Hay'adda Amnesty International ee u dooda arrimaha xuquuqul insaanka ayaa mar sii horeysay uga digtay hogaamiyeyaasha awooda is-biday ee aduunka in ka hortaga Corona u adeegsadaan cabsi-gelinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyaha cusub ee Iran oo weli "qarsoon" iyo shaki ku saabsan noloshiisa

Maqnaanshahan ayaa si weyn uga duwan hab-dhaqankii aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 09:29AM

Trump Oo Kordhiyay Xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan

Go’aanka ayaa yimid iyadoo wareeg cusub oo wadahadallo ah la filayay, balse xaaladda ay weli mugdi ku jirto.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 07:54AM