Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska oo xukuumadiisa isbitaal ka maamulaya

Image

LONDON, United Kingdow - Ra’iisul waasraaha Britain Boris Johnson ayaa la dhigay isbital, isaga oo maraya tijaabooyin kadib markii 10 maalmood oo xiriir ah lagu arkayey astaamaha cuudrka Coronavirus.

Johnson ayaa 27-kii March ku dhowaaqay in cudurka laga helay, wuxuuna wixii markaa ka dambeeyey ku sugnaa xaalad go’doon ah, isaga oo degan qeyb kore oo ka tirsan dhismaha xafiiskiisa Downing Street.

Habeenkii Axadda, kadib talo ka timid dhaqtarkiisa, ayaa 55 jirkan la dhigay isbitalka, ayada oo xafiiskiisa uu taasi ku qeexay “tallaabo taxaddar ah”.

Saraakiisha ayaa sheegay in Johnson weli uu dareemayo qandho heer kulkeedu sarreeyo, iyo astaamo kale oo ka mid ah kuwa cudurka Coronavirus.

“Wuxuu maanta ku jiraa isbitalka, isaga oo maraya tijaabooyin, balse wuu la socona doonaa waxa dhacaya, wuxuuna ahaan doonaa madaxa dowladda,” waxaa sidaas taleefishinka BBC u sheegay wasiirka guryaha Britain Robert Jenrick.

Britain ayaa waxa ay bartamaha kaga jirtaa faafitaan xooggan oo uu sameynayo cudurka Coronavirus, ayada oo dalkaas laga xaqiijiyey ku dhowaad 50,000 oo kiis iyo dhimashada ku dhowaad 5,000 oo qof illaa hadda.

Johnson waa hoggaamiyaha ugu magaca dheer caalamka ee uu cudurkan ku dhacay, hase yeeshee wasiirkiisa caafimaadka Matt Hancock, iyo dhaxal-sugaha boqortooyada UK Prince Charles, ayaa labadaba laga helay cudurka, inkasta oo ay kadib kasoo kabteen.

GO + VOA

Related Articles

Hoggaamiyaha cusub ee Iran oo weli "qarsoon" iyo shaki ku saabsan noloshiisa

Maqnaanshahan ayaa si weyn uga duwan hab-dhaqankii aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 09:29AM

Trump Oo Kordhiyay Xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan

Go’aanka ayaa yimid iyadoo wareeg cusub oo wadahadallo ah la filayay, balse xaaladda ay weli mugdi ku jirto.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 07:54AM