Ra'iisul wasaare dib u bilaabay shaqo uu joojiyey Coronavirus awgii

Image

LONDON, UK – Ra'iisul wasaaraha Jamhuuriyada Ireland ayaa dib ugu laabtay shaqada dhakhtarnimada si uu u caawiyo howlwadeenada ku howlan xakameynta Coronavirus, sidda ay ku warantay warbaahinta dowlada.

Sidda ay ku warantay wakaaladda wararka RTE, Leo Varadkar ayaa wuxuu gelin [shirt] ka shaqeyn doonaa todobaad walba.

Varadkar ayaa dhakhtar ahaa todoba sano kahor inta uusan siyaasada kusoo biirin. Sanadkii 2013-kii ayuu hakiyey xirfadaas.

RTE ayaa baahisay in Varadkar uu isagu iska diiwaan-geliyey Waaxda Caafimaadka bishii lasoo dhaafay ee Maaj, si uu u xoojiyey ololaha socda.

Doorkiisa shaqo ayaa noqon doonta in uu ka jawaabo isla markaana uu kormeero wicitaanada telefoonada ee ka imaanaya shaqaalaha.

Kiisaska Covid-19 ee Ireland, sidda ku cad warbixinta caafimaad, ayaa kor-u-dhaafaya 400, iyaddoo dhimashadda ay ka badan tahay 20.

Caalamka oo idil, cudurkaas safmareenka ah ayaa ku dhacay in ka badan 1.4 milyan oo ruux, waxaana u geeriyooday dad tiradoodu ka badan tahay 65-kun oo ruux, waxaad sareysa cabsida laga qabo in ay sii kororto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyaha cusub ee Iran oo weli "qarsoon" iyo shaki ku saabsan noloshiisa

Maqnaanshahan ayaa si weyn uga duwan hab-dhaqankii aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 09:29AM

Trump Oo Kordhiyay Xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan

Go’aanka ayaa yimid iyadoo wareeg cusub oo wadahadallo ah la filayay, balse xaaladda ay weli mugdi ku jirto.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 07:54AM