Ruushka oo "fara-gelin ku billaabay" doorashada 2020

Image

WASHINGTON, US - Musharaxa dimuqraadiga Bernie Sanders ayaa uga digay Ruushka inuu faragelin ku sameeyay doorashadda Mareykanka ee dhamaadka sanadkan, kadib markii saraakiil Ruush ah ay isaga u sheegeen inay doonayaan inay ka taageeraan doorashadda.

Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa sharci-dejiyayaasha u sheegay toddobaadkii tagay in Ruushka ay faro-gelinayaan ololaha doorashada 2020, ayada oo ujeedku yahay in shaki la geliyo sax ahaanshaha codadka, lana taageero dib u doorashada madaxweyne Trump.

Qof arrintan xog-ogaal u ah oo magaciisa qariyey, sababo la xiriira xasaasi ahaanshaha warkan, ayaa sheegay in xulufada Trump ee Jamhuuriga ah ee Aqalka Wakiilada ay su’aalo ka keeneen qiimeyntan oo ay sameeyeen saraakiisha Xafiiska Sirdoonka Qaranka, Khamiistii tagtay.

“Jamhuurigu waxay arrintan kaga jawaabeen sidii la filayey, aad ayey uga carroodeen. Waxa ay su’aal ka keeneen xogta sirdoonka,” ayuu yiri.

Saraakiisha sirdoonka ayaa kulan sir ah waxay sharci-dejiyayaasha uga digeen in Ruushka ay ka shaqeynayeen in shaki la geliyo sax ahaanshaha cod-bixinta dhaceysa 3-da November, ayada oo islamarkaana la xoojinayo in Trump dib loo soo doorto afar sano oo kale.

“Ruushku waxay door-bidayaan hal musharax, musharaxaasna waa Trump,” ayuu yiri ilo-wareed, kaasi oo diiday inuu sharaxaad bixiyo.

Wargeyska The New York Times ayaa khamiistii ku warramay in Trump uu carro kala dul-dhacay sii-hayaha Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Joseph Maguire, sababo la xiriira inuu shaqaalihiisa u ogolaaday inay hortagaan guddi hoosaadka Aqalka Wakiilada.

Wargeyska ayaa soo xigtay shan qof oo arrintan xog-ogaal u ah.

Trump ayaa Arbacadii sheegay inuu Maguire ka qaaday xilka sii-hayaha, kuna beddelayo Richard Grenell, oo ahaa safiirka Mareykanka ee Jarmalka tan iyo 2018, islamarkaana aad daacad ugu ah madaxweynaha.

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM