Ruux doonayey in uu Toorey ku dilo Donald Trump oo la qabtay

Image

WASINGTON, US – Ciidamadda ammaanka ayaa Sabtidii banaanka Aqalka Cad waxay ka qabteen nin doonayey in uu Toorey ku dilo madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump.

Roger Hedgpeth, oo 25-sano jir ah, ayaa lagu waramay in uu watay mindi dhirarkeedu gaarayo 1.5 Inji.

Wargeyska afka dheer ee Daily Mail ayaa baahiyey in saraakiisha dharcada ay gacanta ku dhigeen ruuxaan.

Hedgpeth ayaa la tilmaamay in loo qaadey isbitaal si loo hubiyo hadii xaalad caafimaad oo maskaxda ah uu qabo.

"Hase ahaatee, xiliga uu ninkaan qorsheystay weerarka, madaxweynaha qorshaha ma ugu jirin in uu dibadda u soo baxo," ayuu jaraa'idka kasoo xigtay sarkaal ka gaabsaday magaciisa.

Dhacdooyin noocaan ah oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay laga soo wariyay banaanka hoyga looga arimiyo Ameerika.

Tani ayaa ku qasabtay saraakiisha nabad-gelyadda Aqalka Cad in ay wax ka bedelaan qaabka loo sugo amniga dhismaha, iyaddoo xeendaabka lagu soo daabulay ciidamo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM