Ruuxii dilka ugu hanjabay Ilhaan Cumar oo xukun lagu riday

Image

WASHINGTON, US – Maxkamad heer federaal ah ayaa lagu waramay in ay hal sano iyo maalin oo xabsi ah ku xukuntay Patrick W. Carlineo Jr.

Xukunsanaha ayaa bishii November ee sanadkii hore qirtay in uu dil ugu hanjabay Xildhibaanad Ilhaan Cumar, oo Soomaali-Ameerikaan ah.

Shaqsigan degan galbeedka magaalada New York ayaa qirashada sameeyay kadib markii uu Ilhaan la galay heshiis naxariisasho ah.

Ilhaan oo qoraal soo saartay ayaa codsatay in xukunkaas lagu riddo "maadaama xabsi dheer uu sii kordhinayo caradda iyo naceybka".

Garsoore Frank Geraci Jr ayaa Carlineo xukumay Khamiistii lasoo dhaafay, sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah ee Mareykanka.

Dacwadoogeyaasha ayaa sheegay in Patrick W. Carlineo uu soo wacay telefoonka xafiiska Ilhaan isla markaana uu hanjabaada sameeyay.

Sidda laga soo xigtay war-fidiyeenada, Carlineo ayaa taageero weyn u ah Donald Trump, oo ay madax isugula jira Ilhaan.

Sikastaba, Ilhaan Cumar ayaa noqotay haweenaydii ugu horeysay oo Soomaali ah isla markaana Muslim ee ku biirta Aqalka Sare ee Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM