Sacuudiga: Muwaadiniinta Yahuuda masoo booqan karaan dalkeena

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudi Carabiya ayaa si cad u shaaciyey in Israa'iiliyiinta aysan soo booqan karin Boqortooyadda.

Talaabadan ayaa kusoo aadaysa iyaddoo maamulka Yahuuda uu ku dhawaaqay in muwaadiniintiisa uu u fasaxay in ay tagaan Sacuudiga.

"Siyaasadeenu waa mid jaan-go'an. Annaga wax xiriir ah lama lihin Dowladda Israa'iil, sidaasi awgeed, dadka haysta Baasaboorka Yahuuda masoo booqan karaan Boqortooyadda," ayuu yiri Faysal bin Farxaan.

Hadalkan waxaa wasiirka kasoo xigtay Talafishinka Mareykanka laga leeyahay ee lagu magacaabo CNN, kaasoo wareysi uu siiyey.

Axadii, wasaarada arrimaha gudaha Yahuuda ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in muwaadiniinta dalkaas ay Sacuudiga u tagi karaan Xajka iyo arrimo ganacsi ama kulamo ay ku leeyihiin.

"Marka heshiis nabadeed laga dhex-yag-leelo Falastiiniyiinta iyo Israa'iiliyiinta, waxaan aaminsanahay in arrinta ku saabsan in Yahuuda dhex-galaan gobolka ay miiska soo saarmi doonto," ayuu daboolka ka qaadey.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Isniintii isagoo ku sugan Aqalka Cad daaha ka rogay in ay soo bandhigi doonan Talaadada maanta ah qorshaha Nabada Bariga Dhexe, kaasoo muddo badan dib-u-dhigis lagu sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga iyo Ruushka oo ka wada hadlay amniga marin-biyoodka Hormuz iyo Baabul Mandab

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay labada dal siinayaan amniga marinnada badda ee gobolka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 05:00AM

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM